MW-XASAN SHEEKH OO EEDEEYN U JEEDIYEY XUUTIYIINTA YEMEN.
(MUUQAALKA)-MW XASAN.
(CAIRO/EGYPT)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xuutiyiinta Yemen ku eedeeyay inay qayb ka yihiin xasillooni-darrada gobolka, isla markaana ay carqaladeynayaan isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Bab EL-Mandab. Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al Jazeera ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in Soomaaliya ay jeclaan lahayd in Yemen ay noqoto dal nabdoon oo midaysan, isla markaana si wanaagsan ula falgala dalalka gobolka. “Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Yemen nabdoon, Yemen midaysan oo u shaqaysa gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in Xuutiyiintu ay hadda awood ama rabitaan u leeyihiin inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida Yemen. Madaxweynaha ayaa si gaar ah Xuutiyiinta ugu eedeeyay inay ka baxsan yihiin xeerarka iyo qaab-dhismeedka caalamiga ah, isagoo sheegay in ficilladooda ay saameyn ku yeesheen amniga iyo xasilloonida gobolka. “Dhibaatada Yemen waqtigan waa Xuutiyiinta,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo intaas ku daray in kooxdaasi ay tahay cidda uu ku eedeeyay inay xasillooni-darrada ka waddo gobolka. Soomaaliya ayaa juqraafi ahaan ku taalla dhinaca koonfureed ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, waxaana xeebaha dalka soo gaara dad ka cararaya colaadaha ka jira Yemen.
ISHA-HOL.