MW-XASAN SHEEKH IYO MD CALI GUUDLAWE OO MAANTA KULMAY.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO GUUDLAWE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe. Kulanka oo looga hadlayay cidda noqonaysa hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay jadwalka ay soo saareen guddiga doorashadu, kaas oo taariikhda tartanka hoggaanka Hirshabeelle u mudeeyay 20-ka Agoosto. Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada, ma jirin ballan dhab ah oo uu Madaxweyne Xasan ku caddeeyay cidda uu rabo hoggaanka cusub ee Hirshabeelle. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegtay Cali Guudlaawe in loogu yeeray in loo faahfaahiyo sababta loo soo saaray jadwalka doorashadu ay tahay mid siyaasadeed, haatanna aan la shaacin karin cidda loo xirayo madaxtinnimada Hirshabeelle. Hase ahaatee, xafiiska Madaxweyne Guudlaawe, ayaa sheegtay in lasoo siiyay ogolaansho dhab ah, ayna gudagelyaan qancinta tartamayaasha kale. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa maalmaha soo socda Madaxtooyada ku qaabili doona siyaasiyiinta iyo isimmada beesha ay kasoo jeedaan madaxweynayaashii hore ee Hirshabeelle, kuwaas oo ka doonaya Madaxweynaha inuu u caddeeyo mowqifkiisa ku aadan xilkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dareensan culeyska beeshaas, ayaa damacsan inuu kulankan ku qanciyo in markale iyo ballan kale la isugu soo laabto. Xog raadin aan samaynay ayaa ku xaqiijinay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo shakhsi dhaqaale ahaan isku filan, oo iska bixin kara kharashka ku baxaya doorashada Hirshabeelle. Sidaas darteedna ay macquul tahay inuu sameeyo xulasho lama filaan ah, isaga oo eegaya awoodda dhaqaale ee shaqsiga uu siinayo kursiga Hirshabeelle. Sarkaal ka tirsan Villa Soomaaliya oo aad ugu dhow Madaxweynaha ayaa sidoo kale inoo sheegay inaan la shaacin karin qofka loo xushay Hirshabeelle ilaa ay ka dhammaato diiwaangelinta ka socota maamulkaas, la doorto guddoonka Golaha Shacabka.
XIGASHO-ST.