MA DHABAA IN WASIIR ABSHIR BUKHARI LAGA SOO CELIYEY GAROONKA JOMO KENYATTA?
(SAWIRKA)-WASIIRA BUKHARI.
(NAIROBI/KEMYA)-Wararka laga helaay dalka Kenya ayaa sheegaayo loo diiday inuu gudaha u galo dalka Kenya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Abshir Bukhari, waxaane dib loogu soo celiyey magaaladda Muqdisho ka dib markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, sida ay sheegayaan wararka. Sarkaalkan, oo loo arko mid ka mid ah xulafada siyaasadeed ee dhow ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sarkaal sare oo ka tirsan Villa Somalia, ayaa la sheegay in mas'uuliyiinta Kenya ay ku wargeliyeen in aan loo ogolayn in uu galo dalka ka hor inta aan la saarin diyaarad dib ugu soo laabasho ah caasimadda Soomaaliya. Sababta ka dambeysa go'aanka Kenya weli si rasmi ah looma shaacin. Dowladda Kenya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya midna ma soo saarin war-saxaafadeed sharraxaya sababta wasiirka loogu diiday in uu galo. Dhacdadan ayey u badan tahay in ay dhaliso su'aalo cusub oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, taasoo timid toddobaadyo ka dib markii sarkaal sare oo Soomaali ah uu la kulmay si la mid ah sida maanta loola dhaaqmaya Wasiir Bukhaari. Bishii hore, mas'uuliyiinta Kenya ayaa ka masaafuriyay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya Nairobi, iyagoo ku eedeeyay inuu galay dalka isagoon u hoggaansamin habraacyada socdaalka ee loo baahan yahay. Warbixintu ma sheegeyso sabab cad oo keeni karta in masuul ka tirsan XFS loo diido inuu galo dalka Kenya inaga oo og in dalalka Soomaaliya iyo Kenya iney ka wada tirsan yihiin Urur Goboleedka EAC ee hadda wada inuu yeesho hal Baasaboor iyo hal lacag oo ka wada dhexeysa dhammaan sideeda dal ee xubnaha ka ah.
XIGASHO-BO.