(MUUQAALKA)-MW-TRUMP.
(MINNESOTA/USA)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadallo cusub oo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ku baahiyey bartiisa Truth Social, isaga oo ku eedeeyey inay si weyn ula wareegeen gobolka, isla markaana inta badan ay ku tiirsan yihiin barnaamijyada kaalmada dowladda. Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Soomaalidu ay si buuxda ula wareegeen gobolka Minnesota oo uu ku tilmaamay inuu markii hore ahaa gobol barwaaqo ah. “Waa arrin cajiib ah in Soomaalidu ay awood u yeesheen inay si buuxda ula wareegaan gobolka Minnesota oo mar ahaan jiray gobol weyn. Iyaga ayaa leh oo gacanta ku haya, ku dhowaad 95% waxay ku tiirsan yihiin nooc ka mid ah kaalmada dowladda,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social. Hadalkan ayaa qeyb ka ah hadallo isdaba joog ah oo Trump uu muddooyinkii dambe ku bartilmaameedsanayey Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota, oo ah gobolka ay deggen yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan dalkaas. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale Jimcihii weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad laga soo doorto gobolka Minnesota, isaga oo ku tilmaamay qof aan daacad ahayn, isla markaana su'aal geliyey xaqa ay u leedahay inay ka hadasho sida Mareykanka loo maamulayo. Trump ayaa mar kale soo hadal qaaday eedeymo hore oo la xiriiray guurka Ilhaan Cumar, isaga oo ku celceliyey sheegashooyin muran dhaliyey oo ku saabsan nolosheeda gaarka ah. Dhinaceeda, Ilhaan Cumar ayaa hore si adag uga jawaabtay hadallada Trump. Bishii Sebtembar 2025 ayay madaxweynaha ku tilmaantay qof been badan kadib markii uu sheegay inuu kala hadlay madaxweynihii Soomaaliya arrin la xiriirta masaafurinteeda Mareykanka. Sida lagu sheegay xog laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Mareykanka oo ay baahisay PBS News, waxaa dalka Mareykanka sannadkii 2024 ku noolaa ku dhowaad 260,000 oo qof oo asal ahaan Soomaali ah. Gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul, waxaa ku noolaa ku dhowaad 84,000 oo Soomaali ah, taas oo ka dhigaysa deegaanka ay ku badan yihiin Soomaalida Mareykanka. Xogtaasi waxay sidoo kale muujinaysaa in ku dhowaad 58% Soomaalida Minnesota ay ku dhasheen Mareykanka, halka 87% dadka gobolkaas ku nool ee Soomaaliya ku dhashay ay heleen dhalashada Mareykanka. Dhanka kale, Trump ayaa bilihii la soo dhaafay dhowr jeer hadallo adag ka jeediyey Soomaaliya iyo Soomaalida Mareykanka, isaga oo dhaleeceyntiisa ku daray siyaasadaha socdaalka iyo doorka bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas. Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli muran siyaasadeed uu ka taagan yahay siyaasadda socdaalka ee maamulka Trump, iyo xiriirka madaxweynaha Mareykanka iyo xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo si weyn u dhaliisha siyaasaddiisa.
ISHA-HOL.