(MUUQAALKA)-MW-XASAN IYO MUSEVEV.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta booqasho hal maalin ah ku tago magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeelan doono Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, kaas oo la filayo inuu diiradda ku saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, khilaafka ka taagan hannaanka doorashada, amniga dalka iyo mustaqbalka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya. Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan cadaadiska siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, isla markaana ay jiraan walaac isa soo taraya oo ku saabsan mustaqbalka ciidamada Uganda ee dalka, kuwaas oo qaarkood bilaabay inay dib ugu laabtaan dalkooda, halka ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM loo qorsheeyay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan Soomaaliya illaa dhammaadka sannadka 2027. Wararka laga helayo Kampala ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu codsaday kulan uu la yeesho dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, kaas oo la aqbalay, waxaana la filayaa in kulanka uu noqdo mid xasaasi ah oo lagu soo qaado khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo xaaladda uu marayo qorshaha doorashada. Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Kampala ay isugu imaanayaan wafdiyo iyo saraakiil ka socda dalal kala duwan oo taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil Mareykan ah, iyadoo kulamada la filayo inay ka dhacaan magaalada Kampala ay qayb ka noqon karaan dadaallada lagu wajahayo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xaaladda ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu isku dayayo inuu helo xal kale oo uu kaga gudbo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka, iyadoo muddooyinkii dambe uu waday dadaallo uu ku doonayo inuu ku yareeyo cadaadiska kaga imaanaya mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda. Waxaa la filayaa in kulanka Xasan Sheekh iyo Museveni uu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan haddii ay soo baxaan cadaadisyo ku saabsan in la qabto wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, ama in la helo heshiis ku saabsan mustaqbalka ciidamada Uganda ee Soomaaliya. Booqashada ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli ay dowladda Federaalka iyo mucaaradka ku kala aragti duwan yihiin muddooyinka xilalka, hannaanka doorashada iyo dib u heshiisiinta siyaasadeed, iyadoo ay weli muuqato in dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka ay ku guuldarreysteen inay keenaan heshiis la isku raacsan yahay.
ISHA-RISAALA.