MW-KU-XIGEENKA J/LAND MAXAMUUD SIYAAD OO EEDEEYEY WADAMADA ERITEREEYA IYO MASAR,SABABTA?

(SAWIRKA)MAXAMUD SIYAAD OO JOOGO B/XAAWO.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku eedeeyay qaar ka mid ah Dowladaha Qaaradda Afrika iney dano Siyaasadeed u hurinayaan colaadda ka aloosan qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo. Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubalaland ayaa sheegay in dalalka Masar iyo Eritreeya ey dabada ka riixayaan colaadda Gobolka Gedo, si ey u gaaraan Xuduudka Itoobiya. ”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida wadamadda Masar iyo Eritreeya mana dooneyno in deegaankeena la keeno khilaafaadka dalal kale’, Ayuu yiri Madaxwayne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Dhanka kale, Maamulka DFS ugu magacaaban Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ey muddo 3 cisho ah u qabteen Wasiir Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisu iney isaga baxaan Magaalada Beled-xaawo ee Gobolkaasi. “Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beled-xaawo iyo Madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Taliye Cabdirashiid Janan waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga baxo Beled-xaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada”, Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Gedo Md.C/laahi Shimbir. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray,”Shirarka ka dhaca Muqdisho & Addis Ababa waxaa naloo sheegaa wadahadal ayaa socda oo meel fiican ayaa wax marayaan Askartuna waxay rabtay ka samaysaa Soomaaliya, arrintaasi Axmed Madoobena wax tari mayso shacabka Gedana laguma khasbi karo. Dhinaca kale,War-Saxaafadeed ey soo saartay Wasaardda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in DFS ey la socoto xubno Qaswadayaal ah kana amar qaata Eedeysane Axmed Madoobe iney ku mashquulsan yihiin shirqoolo iyo falal ey colaad uga hurinayaan G/Gedo sidoo kalane ey faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah kuwaaso ey ku qarinayaan dembiyadda ey faraha kula jiraan. Xubnahaas ey DFS sheegtay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee DG Jubaland Md Maxamud Siyaad Aden,kaaso DFS ey ku sheegtay inuu horay ugu lug lahaay tacadiyo fara badan oo ka dhacay G/Gedo,wax uuna maalmahaan dambe uu ku lug lahaay xog uu uga been sheegaayo xaqiiqada ka jirta G/Gedo. DFS ayaa sheegtay iney u digeyso shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan xiisad abuurka iyo iney dhaqdhaqaaqyadooda la socoto isla markaasne lala xisaabtami doono haddii ey ka waantoobi waayaan ficiladooda Guacan.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

UK OO HIRGELISAY HESHIISKII EY LA GASHAY FARANSIISKA.

Next
Next

CIIDAMADDA ITOOBIYA EE JOOGA DOOLOW OO HANDADAAD U SOO DIRAY CIIDAMADA SOOMAALIYA,SABAB?