CIIDAMADDA ITOOBIYA EE JOOGA DOOLOW OO HANDADAAD U SOO DIRAY CIIDAMADA SOOMAALIYA,SABAB?

(SAWIRKA)-SHIRKII DOOLOW.

(GEDO)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Gedo ee Dawlad Goboleedka Jubalanda ayaa sheegaayo in Ciidamada Dawladda federaalka Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow Itoobiya ey amar culus dul-dhigay Cabdirashiid Janan oo dhawaan ey Dawladda Federaalka Soomaaliya u magacawday Taliyaha NISA ee G/Gedo iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee waqtigaan xaadirka ah ku sugan gudaha degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo,Ciidamada Itoobiyaanka ayaa u qabtay iney muddo seddex maalin ah ey uga baxaan degmada B/Xaawo ee G/Gedo,sidaas waxaa Warbaahinta Maxliga ah ee Shabeele u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Md.C/laahi Cabdi Jaamac(C/laahi Shimbir). Gudoomiey C/laahi Shimbir ayaa ah mid maamulkiisu ey sameysay DFS, isla mar ahaantaasne gacan saar buuxo la leh Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Gudoomiye Shimib ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in ciidanka Itoobiya ey u yeereen Odayaasha dhaqanka ee deegaanka, kadibna ey u sheegeen amarka la dul-dhigay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee degan Xerada UK, kuwaaso dhawaan si xoog ah kula wareegay gacan ku heynta degmada B/Xaawo ee G/Gedo. Guddoomiye Shimbir ayaa caddeeyay in arrintan ey tahay gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in arrintan ay dhaawaceyso Darisnimada iyo xiriirka haatan soo hagaagayo ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, ka dibna soo xiray taliyihii xeradaasi Sheekhaalaw, mana jiro illaa iyo hadda war rasmi ah kuna saabsan arrintaas oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna aadan Xad-gubka ey sameeyeen Ciidamadda Dawladda Itoobiya. Dhinaca kale,waraysi uu bixiyey Xildhibaan Axmed Maxamed Abuukar (Ugaas) ayuu ku yiri”Itoobiya waxa kala dhexeeyo K/Galbeed, H/Shbeelle iyo G/Mudug ayaa Jubaland kala dhexeeya, waxa ey Itoobiya sugeysaa Amnigeyna”.

ISHA-SB-MEDIA.


Previous
Previous

MW-KU-XIGEENKA J/LAND MAXAMUUD SIYAAD OO EEDEEYEY WADAMADA ERITEREEYA IYO MASAR,SABABTA?

Next
Next

WASAARADDA CAAFIMAADKA DFS OO MAGACAWDAY GUDI CILMI BAARIS.