MAXAMED SABRI SULEYMAN OO NOQDAY CAYAARTOOY HEER QARAN.

(SAWIRKA)-MAXAMED SABRI SULEYMAAN.

(COLORADO)-Adeerka Mohamed Sabri Suleymaan EL-Masri, oo ah ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii Colorado, ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin cusub oo ku saabsan wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Sabri Suleymaan. Cusaama Faraj, oo ah adeerka eedeysanaha ayaa u sheegay Tv-ga AL Arabiya in qoysku ey ku nool yihiin tuulada AL-Muctamadiyah, ee magaalada Maxilla AL-Kubra ee gobolka Garbiya. Waa xaas, waxaana uu leeyahay shan caruur ah, isagoo ku micneeyay in wiilka uu adeerka u yahay uusan xiriir la lahayn Xisbi Siyaasadeed uuna horay u ahaan jiray ciyaaryahan kubadda gacanta ah oo ka tirsan Naadiga Zamalek. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in wiil uu adeer u yahay uu ku biiray kooxda kubadda gacanta ee Masar sagaashamaadkii, uuna ka soo shaqeeyay xisaabiye ka hor inta uusan u safrin dal Carbeed, ka dibna Mareykanka. Waxa uu ku micneeyay in Maxamed uu Safaaradda Mareykanka ka qaatay fiisaha Dalxiiska oo uu ku socdaalayo, isla markaana ey Maxkamad ku xukuntay degenaanshaha Mareykanka. Wuxuu xusay inuu xiriir joogto ah la sameyn jiray qoyskiisa, isla markaana xiriirkii ugu dambeeyay uu la sameeyay 20 maalmood ka hor. Waxa uu intaa ku daray in wiilka uu adeerka u yahay aanu ka hadlin waxa uu damacsan yahay, balse uu u damqaday Qaza iyo dadkeeda, isaga oo u soo jeediyay inuu weerarka si iskiis ah u geystay oo aan diyaargarow lahayn, waxaanu sheegay inuu weerar ku qaaday socodkii Israa’iil, sababtoo ah waxa saameeyay dagaalka xasuuqa ah ee Marinka Gaza. 45-jirkan u dhashay dalka Masar ayaa weerar ku qaaday dibadbaxyo ey Israa’iil ku taageerayso dibadbaxayaasha oo ka dhacay gobolka Colorado, isagoo ku tuuray Molotov cocktails dibadbaxayaasha, isagoo dhaawacay lix ka mid ah dadkaas, kuwaasoo dhammaantood loo qaaday isbitaalka, kuwaasoo qaarkood ey xaaladdoodu aad u liidato. Xogta laga helay eedaysanaha ayaa daaha ka qaaday inuu wax ku soo bartay dalka Masar oo uu shaqo Xisaabiyenimo ugu safray dal Carab ah. Inantiisa ayaa heshay dhibco sare oo aan u qalmin iney isdiiwaangeliso dugsiga caafimaadka, taas oo ku qasabtay inuu u haajiro Ameerika si uu isugu dayo in uu gabadhiisa ku qoro kulliyadda ey jeceshahay. Tv-ga CNN ayaa sheegay in Eedeysanaha Masar, sida uu ku sheegay Boggiisa gaarka ah ee Facebook, uu taageero Ururka Ikhwaanul-muslimiinka, wuxuuna horey boggiisa ugu faafiyay Sawirro iyo hal-ku-dhigyo ey Kooxdaasi ku leeyihiin oo ey ka mid tahay calaamadda “Afaraad”, taasoo ey kooxdu soo bandhigtay fadhigii ey ku lahaayeen fagaaraha Afaraad ee magaalada Qaahira sannadkii 2013-kii, taasoo ey kala eryeen ciidamada ammaanka Masar. Waxa kale oo uu soo bandhigay sawirada Madaxweynihii hore ee Ikhwaanul Muslimiinka ee xilka laga tuuray, Maxamed Mursi. Sidoo kale, warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in eedaysanahaasi uu si sharci darro ah ku joogay dalka Maraykanka, ka dib markii uu ku ekaa ogolaanshihiisa shaqo oo ey siisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maraykanka 28-kii March. Xogta ayaa xaqiijisay inuu Maraykanka ku yimid bishii August ee sannadkii 2022-kii oo uu ku joogay fiisaha B-2.

16-KIIS UU KU JIRO DIL HEERKA KOOWAAD AH:

Gegida dayuuradaha, waxa uu helay joogitaan lix bilood ah oo uu ku joogay Maraykanka, kaas oo ku ekaa February 2023. Waxa ey intaas ku dartay inuu markaa ka dib magangelyo ka codsaday Maraykanka, laakiin codsigiisa weli lama go'aansan. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedaysanaha ayaa ilo-wareedyo u sheegeen warbaahinta Maraykanka, kuwaas oo sheegay inuu muddo ka shaqaynayey shirkad caymis iyo daryeel caafimaad, isagoo darawal u ahaa shirkad gaadiid oo casri ah, iyo xisaabiye ahaan. Waxa uu dhawaan u guuray xaaskiisa iyo caruurtiisa guri laba dabaq ah oo ku yaala bariga fog ee magaalada Colorado.

FBI-da ayaa shaaca ka qaaday iney baarayaan dhacdadan inuu ahaa weerar Argagixiso oo lala beegsaday, iyadoo ku micneysay in tuhmanaha uu soo bandhigay ereyo taageersan Falastiin intii uu socday weerarka, isagoo ku qeylinayay "Falastiin Xorta ah" iyo "Dhamayn Sahyuuniyadda," isagoo ku weeraray dibadbaxayaasha laba konteenar oo ey ku jiraan dareere guban kara. Sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Colorado, Suleymaan waxa uu wajahayaa 16 eedeymo, oo ey ku jiraan dil darajada koowaad ah iyo adeegsiga iyo handadaada kuwa kale aaladaha hurinta. Haddii lagu helo dembiyadan,waxay wataan ciqaabo xabsi daa'in ah ama boqolaal sano.

ISHA-AL-ARABIYA.

Previous
Previous

DAGAAL CULUS OO ALSHABAAB LOOGA ITAAL ROONAADAY.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA MID AH QAXOOTIGA UGU BADAN JARMALKA.