DAGAAL CULUS OO ALSHABAAB LOOGA ITAAL ROONAADAY.
(SAWIRKA)-DAADIIDKA DAGAALKA.
(CEEL-HAREERI)-Wararka aan ka heleyno degaanka Ceel-hareeri ee dhaca inta u dhexeyso Goboladda Hiiraan iyo shabeeladda dhexe ayaa sheegaayo in halkaasi uu dagaal aad u culus uu ku dhexmaray Xoogaga degaan oo garabsanaayo Ciidamadda Xooga Dalka iyo kooxda Khawaarijta ALshabaab. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii kooxda Alshabaab ey halkaasi ka fuliyeen weerar Ismiidaamin ah kaaso lala beegsaday Saldhiga Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ey ku lahaayeen agagaarla Ceel-Hareeri. Sida ey sheegeen goobjoogayaal,weerarka kooxda Alshabaab ayaa ku bilawday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa kaaso lala beegsaday Saldhiga Ciidamada Xooga oo ku yiilay inta u dhexeyso degaanka Ceel-Hareeri iyo degmada A/Yabaal, balse Ciidamada Xooga dalka oo haayey xogta ayaa ka hortegay gaarigii weday qaraxa lana helay rasaas sidaasne uu ku qarxay. Waxaa xigay weerar toos ah oo u dhexeeyey Ciidamadda Xooga dalka iyo kooxda Alshabaab kaaso dhawr saac ka dib istaagay,ilaa hadda lama yaqaano inta uu la eg yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinaca. Sida la wada ogyahay dhawaanahaan waxa hawlgallo isdaba joog ah ey ka socdeen degaanada u dhexeeyo Goboladda Hiiraan iyo shabeeladda dhexe ka dib markii ey kooxda Alshabaab oo garab ka heleysa Odayaasha dhaqanka beelaha dego degaano ka tirsan G/shabeeladda dhexe ey u fududaatay iney dib u qabsadaan degaano kooxda Alshabaab gacantooda laga saaray laba sano ka hor.
ISHA SB-MEDIA.