MASJIDKA OROMADA MINNESOTA.
SAWIRKA MASAAJIDKA LA GUBAY.
(MINNESOTA)-Dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka ey aadka ugu badan yihiin Soomaalida ee Minnesota ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa ka dhacaayey in dab la qabadsiiyo Masajida,magaaladda Minneapolis ayaa waxaa hal mar dab la qabadsiiyey laba Masaajid oo mid ka mida uu si aad ah gubtay midka kalane laga gaaray inuusan guban, St.Paul oo ah caasimadda gobolka Minnesota ayaa waxa ka dhacay in dab la qabadsiiyey Masaajid ey dhiseen Jaaliyadda Oromada dalka Itoobiya (Orom-American Community),Masaajidkaan ayaa dib habayn xoogan lagu sameeyey dhismihiisa mana lagu dukan muddo dhan 4-bilood, Masuuliyiinta maamulka Masjidka ayaa sheegay in masjidka dayactirkiisa gacanta laga qaaday la isuna diyaarinaayey in dib loo furo.
ISHA WARKA SHAL.