MASJID XALAY LAGU WEERARAY DALKA HOLLAND.
(SAWIRKA)-MASJID.
(ROTHERDAM/HOLLAND)-Koox dad ah ayaa xalay weerar ku qaaday masaajid ku yaal Rotterdam, sida ay Jimcihii sheegeen Hay'adda Islaamiga ah ee Netherlands (ISN). ISN ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in masaajidka Mevlana ay burburiyeen lix qof oo aan la garanayn cidda ka dambeysay weerarkaas saacaddu markay ahayd 22:40GMT. Derbi mosaic ah oo ku yaal masaajidka ayaa la burburiyay iyadoo dadkii geystay ay dhalooyinka khamriga ku tuureen dhismaha oo ay ku kaadiyeen wejiga hore. Bayaanka ayaa lagu sheegay in mas'uuliyiinta masaajidku ay si isdaba joog ah u waceen booliiska, laakiin saraakiishu waxay yimaadeen ka dib markii dadkii weerarka soo qaaday ay ka baxeen aagga. Waxay hoosta ka xariiqday in dadka cibaadaysanaya ay dareemayaan khatar sii kordheysa oo ka dhalatay tirada sii kordheysa ee weerarrada lala beegsanayo Muslimiinta iyo masaajidda, iyadoo xustay in saraakiisha booliiska ee goobta yimid aysan u arkin dhacdada inay tahay "khatar u baahan faragelin toos ah." Bayaanka ayaa lagu sheegay inay adag tahay in la fahmo qiimeynta booliiska, waxaana lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay hubinta badbaadada dadka cibaadaysanaya iyo ilaalinta xuquuqdooda ay ku dhaqmaan diintooda iyagoon cabsi qabin xaalad kasta oo jirta. Waxay sidoo kale xustay in, marka laga soo tago weerarka, dib u dhaca ku yimid jawaab celinta booliiska uu sababay walaac xooggan. ISN waxay intaas ku dartay inay gudbisay dacwad rasmi ah oo ku saabsan weerarka, waxayna codsatay in dhacdada loola dhaqmo sidii baaritaan mudnaan leh.
ISHA-AA.