KOOXDA ALSHABAAB OO JAB CULUS LAGU GAARSIIYEY BAYDHABO.
(SAWIRKA)-TALIYAHA CXDS.
(BAYDHABO/KGS)-Iska horimaadyo hubeysan ayaa saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah magaalada. Goobjoogayaal iyo ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku uu billowday xilli hore oo saaka ah, markii ciidamadaasi ay isku dayeen inay galaan magaalada, halkaas oo ay kala kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalyahannadu ay muddo kooban gaareen xaafado ka tirsan magaalada, gaar ahaan deegaanno ku yaalla gobolka Baay, balse ay dib uga baxeen saacado kaddib markii dagaallo culus ay dhaceen. Lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo qaar ka mid ah shacabka ku sugnaa goobaha ay rasaastu ka dhacaysay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay hadda u muuqato mid deggan, iyadoo ciidamada dowladda lagu arkayo waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha muhiimka ah ee Baydhabo. Dhanka kale, ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyagoo gacanta ku haya fariisimo iyo goobaha ay markii hore ka soo abaabuleen weerarka. Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo saraakiisha ammaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, kadib dagaallo saaka ka dhacay magaalada iyo duleedkeeda. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Sadaad Maxamed Caliyow, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay weerar kusoo qaadeen Baydhabo, balse ay la kulmeen iska caabin xooggan oo uga timid ciidamada ammaanka iyo kuwa dowladda federaalka. Wasiir Sadaad ayaa sheegay in dagaalladu ka dhaceen meelo kala duwan, gudaha iyo bannaanka magaalada, isagoo xusay in ciidamadii weerarka soo qaaday lagu jebiyay dagaalka isla markaana laga qabsaday gaadiid dagaal. “Waxay damacsanaayeen inay gudaha u soo galaan magaalada si ay qalalaase uga abuuraan, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay qorshahaas, waxaana hadda magaalada ka jira xasillooni,” ayuu yiri Wasiir Sadaad. Dhankiisa, Taliyaha Booliska gobolka Baay, Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in kooxo uu ku tilmaamay “maleeshiyaad iyo kooxo dambiilayaal ah” ay isku dayeen inay khal-khal amni ka abuuraan Baydhabo, balse ciidamada ammaanka ay si degdeg ah u soo afjareen weerarka. Isagoo la hadlay warbaahinta, Doodishe wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay dib u soo celiyeen deganaanshaha magaalada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaallada. Ugu dambeyntii, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay saaka fashiliyeen weerar ay ku tilmaameen mid fulaynimo ah oo ay soo qaadeen kooxda Al Shabaab, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo. War-saxaafadeedka taliska ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay si feejignaan leh uga hortageen weerarkaasi, iyagoo gaarsiiyay cadowga khasaaro xooggan oo isugu jira naf iyo maal. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, kooxihii weerarka soo qaaday ayaa lagu kala eryay gudaha iyo daafaha magaalada, iyagoo u firxaday si fulaynimo ah, halka ciidamada ammaanka ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray cadowga. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono faahfaahinta iyo natiijooyinka rasmiga ah ee howlgalka marka la soo gabagabeeyo tirakoobka iyo xaqiijinta xogaha la xiriira khasaaraha cadowga.
ISHA-HOL.