MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA IYO MUKHALASIIN AFRIKAAN AH OO DAGAALAMAY.
(SAWIRKA)-TAHRIBAYAAL KU SUGAN XEEBAHA YEMAN.
(SACDA/YEMAN)-Ilo Wareedyo dhinaca Xuquuqda Aadanaha ah ee ku sugan Gobolka Sacda ee Waqooyiga dalka Yemen, ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal Muhaajiriin sharci darro ah oo ka yimid Geeska Afrika ay u geysteen tacaddiyada kooxda Xuuthiyiinta, sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeya Hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta iyo kooxaha Mukhalasiinta ah ee ka howlgala gobolka xadka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xuutiyiintu ay weerarro iyo baacsi ay ka fuliyeen nawaaxiga suuqa AL-Qahr ee degmada Munabbih,ka dib markii ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,waxaane halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban ay Xuutiyiintu la galeen dad tahriibayaal ah oo ku howlanaa ka Ganacsiga Qaadka iyo Maandooriyaha oo gacan ka helaya kuwa Afrikaan ah. Waxa ay intaasi ku dartay in khilaafku uu ka dhashay ka dib markii qaar ka mid ah Mukhalasiinta ay ka biyo diideen in ay la wadaagaan dhaqaalaha ka soo baxa Xuutiyiinta, taasina ay keentay in kooxdaasi ay bilaabaan olole gacan ka hadal ah oo ay kaga saarayaan deegaanadaasi, inkastoo Xuuiiyiintu ay siiyeen ilaalo, guryo iyo dhismayaal ay ku shaqeystaan. Dhacdo kale, canaasiirta Xuutiyiinta oo uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Mushtaq AL-Saraya ayaa olole ka dhan ah shaqaalaha Yemen iyo muhaajiriinta Afrikaanka ah ka fuliyay dhul buuraley ah oo loo yaqaan “AL-Mujammac” ka dib muran dhaqaale oo ka dhashay shaqada maqaayadaha lagu qaxweeyo ee muhaajiriinta. Maleeshiyada ayaa gubay Maqaayadaha, waxayna burburiyeen qalabkii ay ku shaqeynayeen, sidoo kale waxay sameysteen caqabado dhanka amaanka ah oo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa shaqaalaha. Dhanka kale, mowjado tahriibayaal ah ayaa weli ku sii qulqulaya goobaha ay ka taliso dowladda sharciga ah, iyadoo xeebaha Gobolka Shabwa ay labadii maalmood ee la soo dhaafay soo gaareen in ka badan 250 muhaajiriin Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira, taasoo tirada ka dhigeysa in ka badan kun qof oo soo galooti ah hal bil gudaheed, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Warbaahinta Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kormeerayaashu waxay ka digeen dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee sii xumaanaya taas oo ay sabab u tahay qulqulka muhaajiriinta ee sii kordhaya iyo ka faa'iidaysiga ay Xuutiyiintu ku hayaan tahriibinta iyo qoritaanka khasabka ah, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in dakhliga tahriibka uu noqday mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee sharci darrada ah ee kooxda Xuutiyiinta.
XIGASHO-AL-XARAF28.