HARGEYSA OO LAGU GUBAY HOOYO IYO CARUUR EY DHASHAY.

(SAWIRKA)-GOOBTA DHIBATADU KA DHACDAY.

(HARGEYSA/SOMALILAND)-Magaalada Hargeysa ayaa maanta gilgilay dhacdo aad u xanuun badan ka dib markii dab qabsaday guri ku yaalla Xaafadda Oktoobar kaaso sababay Geerida Afar Caruur ah iyo Hooyadood. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dabka uu guriga u qabadsiiyay Aabaha qoyska, kaasi oo lagu sheegay inuu muran qoys oo muddo socday u dhaxeeyay isaga iyo Xaaskiisa. Falkan Argagaxa leh ayaa sababay dhimashada saddex wiil iyo hal gabar oo dhammaantood da’doodu ka yartahay 10 sano, halka gabar kale ay si dirqi ah uga badbaaday dabka. Kooxaha gurmadka deg degga ah iyo booliska Hargeysa ayaa gaaray goobta si ay u damiyaan dabka una bilaabaan baaritaanka rasmiga ah lana xiriira dhacdadaan. Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ninka lagu eedeynayo inuu dabka shiday gacanta lagu dhigay, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababaha dhabta ah ee ka dambeeyay musiibadan murugada leh. Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh oo gilgishay bulshada ku nool caasimadda Hargeysa.

XIGASHO-RADIO RISAALA.

Previous
Previous

MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA IYO MUKHALASIIN AFRIKAAN AH OO DAGAALAMAY.

Next
Next

HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY BAKOOL.