MAGEFEYAAL SOOMAALIYEED OO LAGU XIRAY DALKA YAMAN.
(SAWIRKA)-BOOLISKA MEYFAC.
(SHABWA/YEMEN)-DEG DEG:-Booliska degmada Mayfacee gobolka Shabwa ee Koonfurta dalka Yemen ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay in la soo furtay 30-Muhaajiriin sharci darro ah oo haysta dhalashada dalka Soomaaliya, iyo shan tuhmane oo lagu eedeeyay inay xireen oo ay lacag ka qaateen. Xarunta Warbaahinta Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sharraxday in baaritaanka ay sameeyeen laamaha amniga uu sababay in la xiro eedeysanayaasha, oo ay ku jiraan laba qof oo haysta dhalashada dalka Soomaaliya, iyadoo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen xarigga Muhaajiriinta iyadoo ujeedadu tahay in lagu qasbo inay bixiyaan lacago baad ah. Booliska Mayfac ayaa xaqiijiyay inay sii daayeen maxaabiista, eyna xabsiga dhigeen eedaysanayaasha, isla markaana ay dhammaystireen habraacyada sharciga si ay ugu gudbiyaan hay’adaha awoodda u leh. Gobolka Shabwa ee dhaca K/Yemen ahne mid ka mid ah meelaha ugu caansan oo ay ka gudbaan muhaajiriinta ka imanaya Geeska Afrika, ayaa marqaati ka ah xarigyo loo geysto dadka lagu eedeeyay ka ganacsiga dadka,Tahriibinta iyo ka faa’iideysiga duruufahooda. Taariikhda waa markii ugu horeeysay Tahriibka ee dalka Yemen in la soo qabto Magefeyaasha ku hawlan iney Xabsi geliyaan walaalahooda duruufeysan ee nolol doonka ah,horayne uma dhicin hawshan oo kale oo mid ugub ah laga soo sheego dalka Yemen oo ey ku nool yihiin Soomaali fara badan.
ISHA-WKAALADO.