BOOLISKA PUNTLAND OO SOO QABTAY NIN KU EEDEYSAN DILKA TALIYAHA SALDHIGA JARIIBAN.
(SAWIRKA)-SALDHIGA JARIIBAN.
(JARIIBAN/MUDUG)-DEG DEG:-Ciidanka booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan inuu dilay Taliyiaha saldhiga Booliska ee degmada Jariiban ee G/Mudug Gaashaanle Guuleed C/qaadir Kadleeye. Booliska Puntland wuxuu tilmaamay in isaga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin ka soo qabteen gudaha magaalada Jariiban. Booliska ayaa xusay in eedeysane Ibraahim loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo marsiiyo hannaanka cadaaladda Puntland. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Taliska qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye”. “Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo kaashanaya odayaasha deegaanka ayaa eedeysanaha oo ku sugnaa gudaha magaalada Jariiban gacanta kudhigay waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh si sharciga waafaqsan loogu qaado tallaabooyinka ku habboon” ayaa la raaciyay.
ISHA-PP.