MADAXWEYNIHIIHORE EE KGS LAFTAGREEN OO LA RAKAY MARKII UGU HOREYSAY.
(SAWIRKA)-LAFTAGREEN IYO XILDHIBAANO.
(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayom caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in Madaxweynihii hore ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya kaaso awood Milateri xukunka looga tuuray lagana qabsaday Magaalada Baydhaba ayaa markii ugu horeyay ka soo muuqday fagaarayaasha siyaasada iyo baraha bulshada iyadoo ay wehliyaan siyaasiyiin caan ah iyo xildhibaano. Siyaasiyiinta caanka ah ee la soo muuqdatay waxaa ka mid ah Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Xildhibaan Cabddow,Afhayeenkii Koofurgalbeed kuwo kale. Sida uu cadeeyay Afhayeenkii hore ee Koofurgalbeed C/casiis Laftagareen ayaa aamisan inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Maamulka Koofurgalbeed. Laftagareen ayaan la arkin tan iyo markii xukunka laga tuuray islamarkaana aan xitaa maqal kula hadlin Warbaahinta ,waxayna sawirada hada laga helay muujinayaan inuu hada bilaabay inuu isa soo muujiyo islamarkaana ay macquul tahay inuu warbaahintana wareysi siiyo. Si kaataba qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay laftagareen ayaa sidan u qornaa Waxaan maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya Casuumaad qado sharaf ah oo aan ugu sameeyey mudanayaasha labada Aqal ee BJFS iyo Siyaasinyiinta deegaanada Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa waxaa ugu doodnay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo. Dawlad goboleedka KGS ayaa loo qorsheeyey iney ka dhacdo Dorasho isku sidkan marka la gaaro 28-ka bishaan Abriil-2026-ka,sida la sheegayne waxaa Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud Musharxa uga ah DG KGS Gudoomiye Sheekh Aden Maxamed nuur (Aden Madoobe).
XIGASHO-DN.