MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY AMIIRKA QADAR.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO AMIIRKA QADAR.

(DOHA/QATAR)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey uwada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay. Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya. Dhinaca kale,madasha Dooxo ee 23-aad ayaa ka bilaabatay caasimadda Qadar ee Dooxa iyadoo ey ka qeybgeaayaan hogaamiyeyaasha adduunka,diblomaasiyiin heer sare ah iyo madaxda ganacsiga.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

BANGIGA HORUMARINTA AFRIKA OO DEYNTA KA DHIMAY SOOMAALIYA.

Next
Next

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…