KU SIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…

(SAWIRKA)-XAFIISKA SHEEKH ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan. Kulanka oo ay ka qeyb galeen Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan, waxa uu kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyey casuumaadda uu ku yimid Soomaaliya, isagoo uga warbixyey howlaha uu qabto baarlamaanka caalamiga ah ee iscafinta iyo nabadda. Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn u mahadceliyey wafdiga ka socda baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso Golaha Baarlamaanka caalamiga ah islamarkaana ay kaalinteeda ka qaadan doonto, isagoo la wadaagay warbixin ku saabsan in Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu meel mariyey shuruuc muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya. Ugu dembayntii kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan ayaa kala saxiixday heshiis ku qotoma ka mid noqoshada Soomaaliya ee Baarlamaanka caalamiga ah iyo sidoo kale wadashaqeynta labada dhinac.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY AMIIRKA QADAR.

Next
Next

SURIYA OO LAGU DILAY HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH.