MADAXWEYNE XASAN OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…
(SAWIRA)MW-XASAN,SH.ADEN MADOOBE IYO GUD,BARLAMANKA EAC-DA
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta Madaxtooyadda ku qaabilay Gudoomiyaha Baarlamanaka Urur Gobleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika(EAC) Md.Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hogaaminaayey oo booqasho ku joogay dalka JFS. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wakiiladda Soomaaliya ku metelaayo Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika(EAC) iyo muhimadda ey leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is faham,wax wada qabsi,si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka. Gudoomiye Joseph Ntakirutimana iyo wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey soo dhaweynta diiran,isagoo bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ey ku talaabsadeen shacabka iyo dawaladda Soomaaliyeed,taasoo muujineysa kartida iyo dhabar adayga ey ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorshaha DFS ee ku aadan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta dalalka ey ku mideysan yihiin Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika(EAC),taasoo fure u ah horumarinta,Nabadda,Amniga, dhaqaalaha iyo xasiloonidda Gobolka. Kulanka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe,Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwa Sacdiya Yaasiin Xaaji,Gudoomiye ku xigeenka labaad Md.C/laahi Cumar Abshiraw iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee BJFS.
ISHA/SNTV.