GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HESHIIS IS AFGARAD…
(SAWIRKA)-SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA XJFS.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ah,kulanka maanta ayaa lagu Ansixiyey Xisaab Xirka Hayadaha Dawladda ee sannadkii 2023-kii,kaaso si faahfaahsan u qeexaayo hanaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray Xisaab Xirka. Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta dhacay ayaa waxaa shir Gudoominaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,Golaha ayaa sidoo kale meel mariyey Heshiis is Afgarad ah ee u dhexeeyo Wasaaradda Kallumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu Dabai Ports Group. Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan dagaaladdii horaanti bishaan ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo laga dhegaystay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Degaanka iyo Cimiladda oo ka mid ahaay wafdi ey DFS halkaas u dirtay, iyadoo Xukuumadda DanQaran oo kaashaneyso dawlad Goboleedka Jubbaland ey ku guuleysatay Xabad Joojin iyo in dhibkii dhacay wada hadal lagu xalliyo. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga iyo G/dhiga ka dhegaystay warbixino la xiriira Amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Alshabaab ee hadda ka socdo qaar ka mid ah goboladda dalka,wuxuuna Goluhu bogaadiyey guulaha ey ciidanku ka gaarayaan sifeynta Argagixisadda.
ISHA/SNTV.