MACAAWIISLEYDA G/HIIRAAN OO JAB CULUS U GEYSTAY KOOXDA ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-MACAAWIISLEYDA G/HIIRAAN.
(HIIRAAN)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo galabta ka dhacay deegaan u dhaw degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka Macawiisleeyda iyo maleeshiyaadka Argagixisada AL-shabaab. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka Macawiisleeyda ka war heleen xubno ka tirsan kooxda AL-shabaab oo isku aruursanaayay deegaankan oo qiyaas ahaan Maxaas u jira ilaa 16 KM. Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalka maanta dhacay khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay xubnaha AL-shabaab ee halkaasi isku aruursanaayay. "Khawaarij tiro kooban ayay aheyeen saakay ayay soo galeen deegaanka oo waxay bilaabeen iney godad qotaan, waan ka saarnay 4 xubnood ayaan ka dilnay tiro kalana wan dhaawacnay hadana anaga ayaa ku sugan goobahii ay godadka ka qoteen" ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleeyda Beesha Xawaadle. Dagaalkaan galabta ka dhacay duuleedka Maxaas ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka Macawiisleeyda Beesha Xawaadle abaabul xoogan ka wadaan degmada Maxaas si ay dib ula wareegaan deegaano dhowr ah oo maalmahii lasoo dhaafay gacanta u galay Maleeshiyaadka Argagixisada AL-shabaab. Soo laba kacleynta dagaalka kooxda Argagixisada ALshabaab ee Dawlad Goboleedka H/Shabeelle ayaa ah mid Siyaasadeysan eyna ku lug leeyihiin masuuliyiin iyo Ganacsato ka soo wada horjeedo sida ey DFS wax u wado ee ah in dalka Soomaaliya la gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah sannadka 2026-ka.
ISHA-HOL.