MAAREEYAHA GAROONKA ADEN CADDE OO LOO GACAN QAADAY.
(SAWIRKA)-SEDDEXDII DAGAALANTAY.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimdda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in shalay oo ey bisha Feberaayo ahayd todobada(7/2/2026) kuna beegneed maalin Sabti ah, saacaduna ahayd 9:30-fiidnimo, ayaa waxaa dhacday arrin aad hadda looga hadal haayo baraha bulshada arrintaaso ah Gacan qaad ka dhacay gudaha Hotel Paradise kuna dhaw Hotel Jazeera ee magaaladda Muqdisho. Xogta aan helnay ayaa sheegayso in gacan qaadka uu u dhexeeyey Mareeyaha Garoonka Aden Cadde ee caalamiga ah Md.C/naasir Maxamud Gureey iyo labada masuul ee kala ah Xildhibaan Dayax Axmed Cumar iyo Senitar C/weli Garyare oo labadaba laga soo doortay Dawlad Goboleedka Galmudug ee bartmaha Soomaaliya. Arrinta keentay dagaal gaaray gacan ka hadal ayaa lagu sheegay iney tahay mid salka ku heyso dhul banaan uu iska leeyahay Garoonka Aden Cadde kaaso sida la sheegay ey doonaayeen in loo sharciyeeyo Xildhibaan Dayax iyo Senitar Garyare balse Maareeyaha Garoonka Aden Cadde Md.C/naasir oo looga baahday ogolaansho in ragaan dhulka loo sharciyeyo ayaa iska diiday inuu saxiixo qoraalkii loola yimid, sida la sheegyayne warqadda ogolaanshaha dhulka lagu siiyey Xil.Dayax iyo Senitar C/weli Garyare ayaa ah mid kasoo baxday Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna soo saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Xog wareysi aan sameynay ayaan ku ogaanay sababta keentay in Maareeye C/naasir loo gacan qaado ey tahay in Maareeyuhu uu ku yiri Xil.Dayax iyo Senitar C/weli Garyare “Anigu ma aqoonsani saxiixa aad wadatiin” sidaas darteedna uu ku bilawday dagaalka laga arkaayey Kaamerada Qarsoon ee CCTv-da ee tiilay goobta uu ka dhacay gacan ka hadalka, lama oga ilaa hadda inta uu la eg yahay dhibka gaaray raga isu gacan qaaday ee kawada tirsan DFS qeybaheeda kala duwan. Arrintaan ayaa ah mid ugub ku ah dhacdooyinka la xiriira dhulka ee maalmahaan ka taagnaay magaaladda Muqdisho, waayo in Maareeyaha Garoonka Aden Cadde in loogu gacanqaado Hotel dhexdiidsa waxa ey fool xumo ku tahay kuwa sameeyey falkaas iyo inta u aragta inuu yahay wax wanaagsan, waayo Maareeyaha waa nin xilka loo soo magacaabay haddii uu ka horyimaado amarka Madaxweynaha waxaa fudud in xilka laga qaado lana keeno qof kale oo qabaneyso shaqadii uu isaga iska diiday inuu qabto.
SUUQBACAAD MEDIA/MOGADISHU-SOMALIA.