MAALQABEENO IMAATAATI AH OO KA HADLAY XAALADDA SOOMALILAND.
(SAWIRKA)-MAALGASHADAYAAL IMAARAATI AH.
(DUBAI/UAE)-Todobaad ka hor ayey ahayd markii Maalgashadayaal u dhashay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ey booqasho ku tageen Dekeda Berbera ee Waqooyiga dalka Soomaaliya(Soomaaliland) si ey qiimeeyaan xaaladda Ganacsi iyo midda Amni ee halkaasi ka jirta. Maalgashadayaasha ayaa soo booqday qeybaha kala duwan ey ka kooban tahay Dekeda Berbera, waxaane halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka dekedda iyo hawlwadeeno ka socday maamulka Soomaliland, inta ey joogeen gudaha Dekedda Berbera ayey maal qabeenadu waxa ey soo arkeen dhismayaal cusub ey halkaasi ka hirgelisay Shirkada laga leeyahay dalka Imaaraatka ee DP World, waxa eyna si aan caadi ahayn uga maqsuudeen hawsha ey shirkadooda ka wado Dekeda Berbera iyo goobaha kale ee muhiimka u ah shacabka dega degaanadda Soomaaliland. Maalgashadayaasha reer Imaaraat ayaan wax warbixin ah siinin warbaahinta gudaha ee maamulka Soomaaliland, balse markii ey dib ugu laabteen dalkoodii hooyo ayaa qaar iyaga ka mid ah waxa ey la hadleen warbaahinta Maxaliga ah waxa eyna u sheegeen in dekeda Berbera ey tahay meel Istaraatiji ah loona baahan yahay in la adkeeyo hanashadeeda iyo gacan ku heynteeda. Mar wax laga weydiiyey mid ka mid ah Maalgashadayaasha reer Imaaraat Aqoonsiga Soomaliland ey siisay Israel, waxa uuna ku jawaabay”Waa mid jirta mana aha mid la qarin karo sameynta Aqoonsiga Israel ey siisay Somaliland, waayo buu yiri dadka reer Somaliland kuna sugan dekedda Berbera kuma qanacsana in dhulkooda ey soo degto Israel una horseedo dagaal aan dhammaad leheyn ey Somaliland la gasho Kooxda Xuutiyiinta Yeman”. Maalgashadahan oo la qariyey magacisa sababo amni darteed ayaa la weydiiyey su’aal ahayd ”Waa maxay raadka muuqdo ee Turkigu ku leeyahay arrimaha Geeska Afrika sida Soomaaliya?” Waxa uuna ku jawaabay” Dalka Turkiga waxa uu awood buuxda ku leeyahay dalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah hadda u rabaa inuu hanto biyaha Badda Cas ee dalka Soomaaliya, waxa uuna wadaa olole uu ku doonaayo inuu cunaqabateyn adag ku saaro dekeda Berbera, waayo Turkiga waxaa hadda badda Soomaaliya u joogo ciidamo fara badan iyo maraakiib dagaal oo aad u xoogan kuwaaso Turkigu ugu talagalay iney difaacaan biyaha dalka Soomaaliya iyo danihiisa gaarka ah ee uu ka leeyahay Soomaaliya. Mar wax laga weydiiyey arrinta la sheegay iney Imaaraatka ku lug leedahay ee ah in hub, saanad iyo calooshood u shaqeystayaal u socda Xoogaga RSF ee reer Sudan ey soo maraan Dekeda Boosaaso ee maamulka Puntland?. Dhoola cadeyn yar ka dib ayuu ku jawaabay “ Horta aniga ma aanan tegin Bosaso, balse waan maqlay in dekeda Bosaso tahay goob ey maamusho Shirkada DP World, mana sheegi karo in halkaasi hub iyo saanad iyo calooshood u shaqeystayaal ey ka soo degaan, waxaanse kuu cadeyhaa in culeys ba’an uu ka jiro dekeda Bosaso kaaso ah mid ka imanayo DFS iyo Dawladda Turkiga oo iskaashanaayo, kuwaso doonaayo in dalka Isutaga Imaaraatka Carabta gebi ahaanba laga saaro saaxadda dhulka Soomaaliya, waayo Turkiga waxa uu xulafo siyaasadeed maanta la yahay dalalka kala ah “Soomaaliya, Sacuudiga iyo Masar”, waxa eyna isu xulafeysteen waa sidii loo hanan lahaa amaba loola wareegi lahaay maamuli dekeda Berbera ey hadda gacanta ku heyso Shirkadda DP World”. Ugu dambeyntii ayaa la weydiiyey su’asha ah ”Raad intee le’eg ayuu ku yeeshay dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Imaaraatka la wareegida Sacuudiga la wareegay gacan ku heynta maamulka dalka Yeman? Waxa uuna ku jawaabay “Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamada ey dawladda Imaaraatka ka kaalmeysay la dgaaalanka Argagixisada, balse hadda arrinku sidii hore ma aha oo waa isbedelay, waayo waxaa dhacday in dalka Boqortooyada Sacuudiga uu awood xad dhaaf ah u adeegsatay sidii ey ciidamadda Imaaraatka Carabta uga saari lahaayeen gudaha dalka Yemen, taasine waxa ey sababtay in Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta uu xumaado xiriirkooda diblomaasiyadeed, waxa uuna hadda gaaray heer uusan weligiis gaari taariikhda labada dal”.
TARJUME ABKEEY/MUQDISHO-SOMALIA.