HAYADDA AMNEST OO XAQIIJISAY INEY SUDAN JOOGAAN KOLOMBIYAAN.

(SAWIRKA)-KOLOMBIYAANKA JOOA SUDAN.

(LONDON/UK)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo bandhigtay caddaymo muujinaya in dalka Isutagga Imaaraatka Carabta uu dagaalka Suudaan u adeegsaday Kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah una dhashay Colombia. Imaaraatka oo garabsiiyay Kooxda Gurmadka Degdega ah ee Suudaan loona soo gaabiyo RSF ayaa horay isaga fogaayay in uu ku lug leeyahay colaadda Dalkaas inkasta oo markii dambe lasoo bandhigay caddeymo fadeexo ku noqday. Shirkad Amni oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi ayaa la sheegay in ay muddo ku howlanayd qorista Calaashood u shaqaystayaasha u dhashay Colombia, kuwaas oo markii dambe loo qaaday Magaalada xasuuqa ka dhacay ee Al-Faashir si ay u garabsiiyaan Kooxda RSF. Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxaa lagu sii xoojiyay in dadka qaar ay arkeen ciidamo aad u hubaysan oo adeegsanaya Afka Spanish-ka halka kuwo kale ay tilmaameen in ay askartaas ka dhex garteen kuwa RSF. Markii uu dhacayay Xasuuqa Al-Faashir waxaa la sheegay in ciidankaan u dhashay Colombia ay joogeen Magaaladaas, waxa ay ku beegnayd October 2025 inkasta oo aan la sheegin inay qayb ka ahaayeen dil wadareedkaas dhacay iyo in kale. Horay waxaa dhowr jeer Imaaraatka Carabta loogu eedeeyay in uu dhaqaale iyo Hub xad-dhaaf ah siiyo Kooxda RSF ee Suudaan, arrimahaas oo idil waxa ay bannaanka usoo baxeen markii Isbahaysi ka dhan ah UAE uu dhashay lagana awood badiyay Kooxdii uu caawiyay ee RSF. ciidamadaan Calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa laga soo dejiyaa Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso ee Dawlad Goboleedka Puntland Soomaaliya, waxaan halkaasi kasoo daabulsha diyaarad gaar ah ey iska leeyihiin Ciidamadda dalka Isutaga Imaaraatka Carabka kuwaaso halkaasi ku leh saldhib ciidan oo aad u balaaran. Madaxweynaha DG Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa hadda ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, ujeedkiisa safarka Imaaraatka ayaa lagu sheegay iney tahay sidii uu Imaaraatka Carabta uga soo heli lahaay dhaqaale uu ku galo Ololihiisa Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

ISHA-MM.

Previous
Previous

XUJEYDA BEYTILAAHI OO MAANTA JOOGA CARAFA.

Next
Next

MAALQABEENO IMAATAATI AH OO KA HADLAY XAALADDA SOOMALILAND.