MA DHABAA IN FAHIIMO QUUJE GAARTAY HARGEYSA?

(SAWIRKA)-XIL.FAHIMA.

(ADDIS ABABA/ET)-Xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdillaahi Quuje, oo ka mid ahayd xildhibaanadii ugu saamaynta badnaa ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn isla markaana ay dib ugu laabatay qaddiyadda Somaliland. Qoraal ay maanta ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii Baarlamaanka Waqooyi Bari ee ay bulshada ku metelaysay. Waxay qoraalkeeda ku caddeysay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn isla markaana ay dib ugu soo laabatay Somaliland. "Waxaan sidoo kale caddaynayaa inaan ka tanaasulay aragtidii Soomaaliweyn, waxaanan dib ugu laabtay Qarankaygii Somaliland," ayay ku tidhi qoraalka ay baahisay. Waraysi ay siisay Bakayle Media ayay ku sheegtay inay garawsatay inaanay jirin cid si dhab ah uga shaqaynaysa danta guud ee dowladnimo Soomaaliyeed, isla markaana ay aragtay in bulshada ay ka dhalatay ay wajahayan dhibaatooyin badan oo aan xal muuqda loo hayn. "Waxaan ogaaday in aanay jirin cid dan Soomaaliyeed ka shaqaynaysa oo marka laga yimaado qoyskayga. Waxaan caddaynayaa in toban khatarood oo aan waxba laga qaban karin ay dadkaygu maanta badhtankooda ku jiraan. Waxaan ka tanaasulay fikirkii ay wiilal badani igaga dhinteen, waxaanan leeyahay intii dhimatay way dhinteen, inta hadhayna nolol ha loo raadiyo," ayay tidhi. Fahiima Quuje ayaa lagu xasuustaa inay ka mid ahayd siyaasiyiintii ugu saamaynta badnaa ee maamulka Waqooyi Bari, iyadoo door muuqda ka qaadatay abaabulkii siyaasadeed iyo dagaalkii ka dhacay Laascaanood. Waxa si gaar ah loogu xusuustaa kaalintii ay ku lahayd taageerada dagaalka lagula jiray ciidamada Somaliland iyo dadaalladii lagu dhisay maamulka Waqooyi Bari. Wararka ayaa sheegaya in Fahiima, oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, la filayo inay maalmaha soo socda gaadho Hargeysa, halkaas oo la qorsheynayo soo dhoweyn loo sameeyo.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

BURCAD BADEED SOOMAALI AH OO MARKAB KA AFDUUBTAY GACANKA CADMEED.

Next
Next

WASIIRKA G/DHIGA JABUTI OO GEERIYOODAY MAANTA.