BURCAD BADEED SOOMAALI AH OO MARKAB KA AFDUUBTAY GACANKA CADMEED.
(SAWIRKA)-BURCAD BADEED LA SOO QABTAY.
(HADRMOUT/YEMEN)-DEG-DEG:-Ilaalada Xeebaha dalka Yemen ayaa Jimcaha maanta ah kuna beegan Luulyo 17, xaqiijiyay in burcad-badeedda Soomaaliyeed iney afduubteen markabka Saliidda qaada ee "Asana" xeebta Gobolka Xadarmuut (bariga Yemen). War-saxaafadeed ay baahisay Warbaahinta Yemen, ayaa lagu sheegay in Ilaalada Xeebaha Yemen ey la socdeen dhacdada iyada oo loo marayo xaruntooda hawlgallada. Afduubka markabka saliidda qaada ayaa ka dhacay masaafo ka badan 26 mayl oo badda ah xeebta Xadarmut, waxaana fuliyay koox burcad-badeed Soomaali ah. War-saxaafadeedka ayaa lagu sharaxay in tan iyo markii ay heleen warbixinta, Ilaalada Xeebaha Yemen ay bilaabeen habraacyo dabagal iyo isku-dubarid ah, iyagoo la xiriiraya la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo mas'uuliyiinta badda ee ka howlgala aagga si loo hubiyo xaaladda markabka iyo la socodka horumarka. Sida ku cad bayaanka, hawlgallada la socodka iyo jawaab celinta ayaa ka socda goobta, halka maraakiibta badda, oo ay ku jiraan dooni Ilaalada Xeebaha Yemen, ay u socdaan markabka. Isla mar ahaantaana, waxaa la sameynayaa duulimaadyo sahaminta hawada si loola socdo xaaladdiisa. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xogta bilowga ah ay tilmaamayso in hal qof lagu arkay meel u dhow buundada, halka markabka xamuulka qaada uu si tartiib tartiib ah ugu dhaqaaqay koonfur-bari, dhanka Soomaaliya. Dhanka kale, hay'adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa hore u sheegtay in markab marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 65 mayl-badeed koonfur kaga beegan magaalada Al Mukalla ee Yemen, ay fuuleen dad aan fasax haysan xilli uu u socday dhinaca bari.
ISHA-WAKAALADO.