KULANKA BERRI EE LABADA AQAL EE BJFS MAXAA LAGA FILAN KARAA?
(SAWIRKA)-XILDHIBAANO.
(MOGADISHO)-Tan iyo shalay ilaa maanta oo Talaada ah waxaa isa soo taraayey wararka sheegaayo inuu jiro khilaaf u dhexeeyo Gudiga La socodka iyo Dib u Eegist Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano iyo Senitaro uu ka mid yahay Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudiga Senitar C/risaaq iyo Xildhibaano Xubno ka ah gudiga sida Xil.C/laahi Carab, Xil Xayle waxa eyna sheegeen in aan la isku wada raacsaneyn in Baarlamaanka Labadiisa Aqal la horgeeyo Cutubyadda Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameeyey maalinta berri ah kuna beegan 28/1/2026-ka. Qoraal ey heshay Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA kuna saabsan Ajendaha Kullanla berri ee Baarlamaanka JFS ayaa qornaay sidaan: “Berri oo Arbaca ah Taariikhduna tahay 28/1/2026-ka, waxaa jira kulan wadajir ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. AJEGDAHA: (1)-Warbixinta Gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka ee Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee soo jeedinta Wax ka bedelka Dastuurka. (2)-Qeybinta Shintirsiga Wax ka bedelka Dastuurka ee Cutubyadda 5-aad ilaa 9-aad. GOOBTA: Villa Hargeysa. Waqtiga 10:00-ka Subaxnimo. Waxaa laga Codsanayaa Xildhibaanadda Sharafta leh iney ilaaliyaan Waqtiga. Galabnimadii maanta oo Talaada ah waxaa shir Jaraa’id magaaladda Muqdisho ku qabtay Xildhibaanadda kala ah” Daagir Amiin Jeesaw, Maxamed Barre iyo Qalato'“,waxa eyna Xidhibaanadaan sheegeen ineysan masuul ka ahayn wixi ka dhaca Baarlamaanka berri oo Arbaca ah taaso loo macneysan karo iney diyaar u yihiin iney sameeyaan fawdo si eysan labada aqal ee Baarlamaanka JFS eysan uga doodin Ajandaha horyaalo. Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in ciidamadda dalka Kenya ey is hortaageen Gaadiid Ganacsi oo Xamuul ahaa uuna lahaay Senitar C/risaaq Maxamed Cismaan ahne Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga la socodka iyo dib u eegista ee wax ka bedelka Dastuurka JFS, ka dib markii uu taageeray qorshaha ey wadato Villa Somalia, laakinse cadaadis adag oo ka yimid dhanka Mw-Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta taageerta waxa eyna taaasi keentay in Senitar C/risaaq uu bedelo mawqifkiisa ku aadan arrintan, waxa uuna ka soo horjeestay Villa Somalia taaso isaga u balan qaaday xilal aan la magacaabin balse balankaasi ayaa hadda u muuqda mid burburay oo meesha ka baxay.
SUUQBACAAD MEDIA.