KHAWAARIJTA ALSHABAAB OO JAB XOOGAN LAGU GAARSIIYEY JABAD GODANE.

(SAWIRKA)-GODADKI ALSHABAAB.

(WARSHEEKH/SH/DHEXE)-Wararka laga helaayo degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee Dawlad Goboleedka H/shabeele ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ey halkaasi ka fuliyeen Hawgal Qorsheysan saacadihii la soo dhaafay, hawlgalka ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey degaanka loo yaqaan Jabad Godane. Hawlgalka oo ahaa mid aad u culus ayey Ciidamadu ku xaqiijiyeen Amniga Degaanka ka dib markii halkaas laga saaray Maleeshiyaadka Khawaarijta ALshabaab kuwaaso ku dhuumaaleysanaayey halkaas, waxaane Khawaarijta ALshabaab halkaasi lagu gaarsiiyey jab aad culus waxaan halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka wada tirsan khawaarijta ALshabaab sida ey sheegeen Saraakiisha hogaamineysay hawlgalka. Ma aha markii ugu horeeysay ey ciidamada DFS ey awood buuxda u sheegtaan kooxda ALshabaab ee si dhuumaaleysi ah kusoo gasha degaanadda nabadda ah ee ka tirsan Gobolak Sh/dhexe ee DG H/Shabeelle. Kooxda ayaa hadda u muuqata mid quus ka joogta sidii ey dib ugu soo laaban lahaayeen degaanadda marinka u ah Gaadiidka isaga kala goosha caasimadda Muqdisho iyo Goboladda dhexe ee dalka, waayo halkaas waxa u tiilay Isbaaro ey shacabka ku baadaan loogana qaadi jiray lacag aan ka yarey ilaa $300-doolar halkii gaari ee sida rakaab u socda G/dhexe.

SUUQBACAAD MEDIA.

Next
Next

MACALLIMAD MARAYKAN AH OO KA SHEEKEYSAY AFDUUBKII LOOGU GEYSTAY SOOMAALIYA.