KULAN XASAASI AH OO DHEXMARAY MURSAL IYO SAACID.
(MUUQAALKA)-MURSAL IYO SAACID.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xildhibaan Aadan Saransoor, kuwaasoo hadda ka agdhow Dowladda Federaalka. Saacid ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxaladda uu marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo muhiimadda ay leedahay in la helo aragti qaran oo mideysan oo lagu wajaho caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dowladnimo ee dalka horyaalla. Saacid ayaa hadal qoraal oo uu soo saaray ku yiri “waxaa hadhimo-sharafeed gurigiisa noogu sameeyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa sidoo kale goob-joog ahaa xildhibaan Aadan Saransoor”. “Kulankeenna waxaan isku weydaarsannay aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxaladda uu marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo muhiimadda ay leedahay in la helo aragti qaran oo mideysan oo lagu wajaho caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dowladnimo ee dalkeenna horyaalla” ayuu raaciyay. Kulankan wuxuu ku soo aaday, xilli uu jiro madmadow soo kala dhexgalay xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta. Mursal wuxuu ka mid ahaa garabkii hore uga baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska laga gaaray Dowladda Federaalka, hadana waxay isaga Aadan Saransoor isku siyaasad yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed Aadan Madoobe. Arrintaan ayaa ah mid ku soo beegantay waqti Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka kooban Madashii Samatabixinta iyo Hogaamiyeyaasha DG Puntland iyo Jubaland ey dhexdooda si aad ah oo aan la qiyaasi karin isu khilaafsan yihiin sababo la xiriiro danaha dawlado shisheeye ka leeyihiin Soomaaliya oo lagu kala aragti duwan yahay, tusaale ahaan Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta waa kan ugu maalgelin badan Golaha Mustaqbalka marka loo fiiriyo dawladaha kale ee iyaguna xiriirka la leh. Imaaraatku waxa uu meesha si cad uga saaray Ex.Rw.Saacid waxa uuna dalkiisa ka soo eryey dhawr bilood ka hor ka dib markii Ex.Rw-Saacid uu si buuxda u taageeray mawqifka Farmaajo oo ey aad isu neceb yihiin Imaaraatka Carabta, arrintaasne waxaa ka faa’iideystay booskiina buuxiyey sida ey ogaatay Warbaahinta Suuq-bacaad Media Ex.Mw-Sheekh Shariif kaaso caruurtiisii deganayd dalka Yugandha caasimadiisa Kampala hadda loogu soo raray Dubai ee dalka Imaaraatka. Shariifka ayaa hadda ah shaqsiga ey Imaaraatku uga fadhiyaan inuu hawl adag ka qabto caasimadda Muqdisho si xukunka looga tuuro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ka dib marka xoogaga taageersan Laftagareen ey gacanta kuwada dhigaan dhammaan degaanadda DG KGS.
XIGASHO-WAKAALADDO.