KAMAL KHARAZI OO U DHINTAY DHAWWICII SOO GAARAY.

(SAWIRKA)-KAMAL KHARARAZI.

(TEHRAN/IRAN)-Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Kamal Kharrazi , oo ahaa madaxa Golaha Xiriirka Istaraatiijiyadeed ee Dibadda ee Iiraan, uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday gurigiisa oo ku yaal Tehran horraantii bishan. Sida ay sheegayaan wararka, weerarka oo dhacay Abriil 1, ayaa sababay dhaawac halis ah oo Kharazi soo gaaray, xaaskiisana lagu dilay goobta. Kharrazi waa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee u dhow Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, maadaama uu hadda madax ka yahay "Golaha Istaraatiijiyadda ee Xiriirka Dibadda," oo ah hay'ad la-talin ah oo ka walaacsan qaabeynta siyaasadda arrimaha dibadda Iiraan iyo ka shaqaynta hoggaanka sare ee dalka.

WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA DIBADDA:

Kharrazi wuxuu hore u soo noqday Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan intii u dhaxaysay 1997 iyo 2005, ka horna wuxuu ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah diblomaasiyiinta rug cadaaga ah ee nidaamka Iiraan.

ISHA-AA.

Next
Next

DALKA JABUTI OO EY BERRI KA DHECEYSO DOORASHO MADAXWEYNE.