KALFADHIGA 38-AAD EE MIDAWGA BAARLAMAANADA CARABTA OO…

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA CARABTA.

(ALGERIA)-Caasimadda dalka ALjeeriya ee AL-Jeris ayaa waxaa ku sii qulqulaayo Madaxda Baarlamaanada wadamada Carabta si ey uga qeybgalaan Kalfadhiga 38-aad ee Midawga Baarlamaanadda Carabta kaaso maalinta berri ah halkaasi ka furmaayo. Kalfadhigaan ayaa socon doono muddo dhan ilaa laba maalmood( 3/5 ilaa 4/5/25)-ka,waxaane Kalfadhigaan halku dheg looga dhigay”DOORKA MIDAWGA BAARLAMAANADA CARABTA EE KU AADAN ISBEDLADA HEER GOBOL IYO HEER CAALAMI”. Kalfadhigaan 38-aad ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sahmin lahaa siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Baarlamaanadda Carabta, si loo wajaho caqabadaha jiro loogana doodo arrimaha Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee danaha guud. Waxaa kaloo ka mid ah,dib u eegista warbixin xilliyeedka ah,daraaseynta soo jeedinta lagu horumarinaayo nidaamka Maaliyadda iyo Urureed ee Ururka Midawga Baarlamaanadda Carabta iyo qaadashada tallooyina iyo go’aamada gacan ka geysta taageeridda talaabadda wadajirka ah ee Baarlamaanada iyo xoojinta doorka Midawga Baarlamaanadda Carabta ee u adeegidda arrimaha Carabta ee fagaarayaasha Gobolka iyo Caalamka. Kalfadhigaan ayaa la doonayaan in laga soo saaro go’aamo ka tarjumaayo masuuliyadda taariikhiga ah oo ey xambaarsan yihiin Baarlamanaada Carabta,gaar ahaan xaaladda hadda taagan. Ku dhawaad 250-ka qeybgale ayaa la filayaa iney ka soo qeybgalaan oo ey ku jiraan Madaxda Baarlamaanadda Carabta iyo golayaasha Baarlamaanada,xubno ka socdo xafiiska fulinta ee ururka,wakiilo ka socod Urur goboleedyo iyo kuwa caalami ah. Kalfahigaan 38-aad ayaa ku qabsoomaayo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Cabdiladhiif Bin Rijaal, waxaane shir Gudoominaayo Ibraahim Bu Gaali oo ahne Gudoomiyaha Midawga Baarlamaanadda Carabta isla markaasne ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ALjeeriya. Ilo wareedyo ku dhaw xarunta uu ka dhacaayo shirka ayaa sheegay in xooga la saari doono qadiyadda reer Falastiin iyo dhibaatooyinka ka taagan dhulal Carbeed ee ku xeeran Isra’iil sida Lubnaan iyo Suriya oo ey Isra’iil ka geysato duqeymo ey ku dhinteen dad fara badan oo shacab ah. Kalfadhigaa 38-aad ee Midawga Baarlamaanada Carabta ayaa dalka Soomalaiya waxa uga qeybgelaayo wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur(Madoobe). Gudoomiy Aden Madoobe ayaa ka qeybgalay kulan hordhac u ah shir weynaha Gudoomiyeyaasha Baarlamaanadda Carabta,kulaka ayaa looga hadlay jadwalka guud ee shirka. Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamud(Xeyd) oo Soomaaliya horay ugu metelaayey Gudiga Fulinta ee Baarlamaanka Carabta hadana ka mid noqday Golaha Wasiiradda XFS ayaa Xubinimadiisii Baarlamaanka Carabta gaar ahaan Gudiga Fulinta,waxa uu si rasmi ah ugu wareejiyey Xildibaan Iidaw Maxamed iyadoo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Md.Ibraahim Bu Gali.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

SENITARO MARAYKAN AH OO KA HADLAY MAALGELINTA AUSSOM.

Next
Next

JANAASADA CIISE OO LA DILAY TODOBAADKII TEGAY.