JANAASADA CIISE OO LA DILAY TODOBAADKII TEGAY.
(SAWIRKA)-JANAASADDA CIISE.
(LA GRAND-COMBE)-Nin Faransiis ah oo lagu eedeeyay inuu mindi ku dilay wiil 22 jir ah oo u dhashay Mali gudaha Masaajid ku yaala Tuuladda La Grand-Comb ayaa u muuqda inuu u dhaqmi fal kalinimo isaga oo ku kacay "Fal dil ah," Dacwad oogaha ayaa sheegay maanta oo Jimca ah. Dilka Aboubakar Ciise ee La Grand-Combe Jimcihii todobaadkii hore ayaa sababay in Madaxweyne dalka Faransiiska Emmanuel Macron waxa uu ku adkeystay in dalka Faransiiska uusan ka jirin meel naceyb diineed ah oo ka dhex jirta bulshada Faransiiska. Muwaadin Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Bosnia ayaa looga shakiyay inuu 57 jeer mindi ku dhuftay Ciise ka dibna muuqaal ka duubay dhibbanihiisii,isagoo aad u caraysane waxa uu isku dhiibay booliska Talyaaniga wuxuuna sugayaa in loo gacan geliyo Faransiiska. Cecile Gensac, oo ah dacwad oogaha magaalada koonfureed ee Nimes ee u dhow, ayaa sheegtay in tuhmanaha oo 20 jir ah, oo lagu magacaabo Olivier Hadzovic, uu "ku riixay rabitaan ba'an oo uu ku doonayay inuu qof dilo oo uu ku guuldareystay midaas,ka dibne inuu isaga is dilo." Wuxuu u sheegay qof online ah inuu "ku samayn doono waddada," ka hor inta uusan ka fikirin weerarka Masaajidka. Markii uu gudaha u galay, waxa uu qoray: "Waa madow, waan samayn doonaa." Waxa uu u muuqday in uu leeyahay "ujeedooyin gaar ah oo qoto dheer," dembigana aan loola dhaqmin sidii "Argagixiso" maadaama aan lala xiriirin " sheegasho fikradeed," ayuu raaciyay Gensac. Waqti hore, ilaa 700 oo qof ayaa Ciise ugu duceeyay Janaasada isla Masaajidka oo uu caawiye ka ahaa. Dadkii cibaadaysanayay waxay ku hor tukadeen Naxashkii oo ay maro cagaaran huwisay. Ciise, ayaa Faransiiska yimid isagoo dhallinyaro ah oo aan haysan wax waraaqo ah, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa magaalada Yaguine ee Koonfur-Galbeed ee Mali, halkaasoo lagu wado in lagu aaso waqti dambe.
"Tani waa fal nacayb oo aad u cajiib ah oo meel nabdoon ka jira," Dominique Sopo, oo ah wakiilka kooxda ololaha ee SOS Racisme, ayaa u sheegay AFP. Boqolaal kale ayaa ugu duceeyay dhibanaha magaalo ka baxsan caasimadda Paris. "Iyada oo ay jirto taageero la'aanta Warbaahinta iyo Siyaasiyiinta, runtii aad ayaan u murugeysannahay, runtiina aad ayaan uga cabsaneynaa," ayuu yiri Abdelghani Bentrari, oo mas'uul ka ah masaajidka ku yaal magaalada Tremblay. Faransiiska ayaa waxaa ku nool bulshada ugu badan ee Muslimiinta ah ee ku nool Midowga Yurub, waxaana dilkan uu cadaadis gaar ah saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau, oo ah Garabka midig ee mayalka adag. Ma uusan booqan goobta lagu dilay Ciise ee La Grand-Combe, waxaana lagu dhaleeceeyay inuusan waqti u helin inuu la kulmo qoyska Ciise. Isaga oo la hadlaya CNews, ayaa wariyuhu ku eedeeyay in uu kobcinayo aragtiyaha Midigta fog, Wasiir Retailleau waxa uu toddobaadkan sheegay iney "adkeyd" in la helo qoyska Ciise sababtoo ah waxa uu ku sugnaa Faransiiska sharci la'aan. Sharci-dajiyayaasha Faransiiska ayaa Talaadkii hore sameeyay aamusnaan hal daqiiqo ah si ay u sharfaan Ciise iyo qaar ka mid ah sharci-dajiyayaasha wax ey la kulmeen eheladiisa. Sida laga soo xigtay ilo ku dhow kiiska, Wasiir Retailleau ayaa la kulmi doona qoyska Ciise magaladda Paris maalinta Isniinta ah, markaasoo Meydka Ciise la keeni doono caasimadda Paris si loogu sameeyo xasuus kale. Ciise, oo lagu naaneeso "Bouba," waxa uu ku dhashay Mali 2003. Waxa uu ka soo gudbay badda Mediterranean-ka, waxaana uu yimid gobolka Paris 2018, sida uu adeerkii u sheegay Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee AFP. Wuxuu u safray koonfurta Faransiiska 2019 sababtoo ah "Ma uusan dooneynin inuu culeys ku noqdo" qaraabada. Grand Combe, dadka deegaanka waxay ku xasuustaan inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo aamusan oo ka caawin jiray nadiifinta Masaajidka oo mararka qaarkood keeni jiray pizza si ay u wadaagaan inkasta oo uu haysto lacag yar. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Eedeysanaha uu ka yimid qoys aan Masiixiyiin ahayn oo wata 11 caruur ah. Wuxuu ahaa "Mid aad iyo aad ama marar badan" baraha bulshada gala, halkaasoo uu ka daawaday muuqaallo rabshado wata, oo ay ku jiraan dadka is-goonaya. Fiidiyowga la sameeyay wax yar ka dib markii uu tooriyeeyay, gacan ku dhiiglaha ayaa isu hambalyeeyay, isagoo leh "waan sameeyay" oo aflagaadeeyay "Allaah." Goobjooge ayaa sheegay in tuhmanaha uu isku tilmaamay inuu yahay "schizophrenic" dilka ka dib. Nin lagu sheegay aabaha dhalay tuhmanaha ayaa u sheegay BFMTV Jimcaha maanta ah in wiilkiisu uu "Waalan yahay" wuxuuna raali galiyay qoyska Ciise. Mourad Battikh, oo ah Qareenka u doodaya qoyska dhibbanaha, ayaa mar sii horeysay sheegay in dilka dib loogu sifeeyo "Weerar Argagixiso." "Bulshada Muslimka ah waa in loola dhaqmo si la mid ah muwaadiniinta kale," ayuu yidhi.
ISHA-AN.