JARMALKA OO DEMBIILE U GACAN GELIYEY MAXKAMADA ICC.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA ICC.
(LIBYA)-Dalka Jarmalka ayaa xiray Hoggaamiye Kooxeed Liibiyaan ah oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada iyo dambiyo dagaal, ka dib markii ay soo saartay amar Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah, sida ay sheegeen saraakiisha Garsoorka Jarmalka iyo Maxkamadda ICC Jimcihii. Khaalid Moxamed Cali EL Heyshari loona yaqaano (AL-Buudhi) ayaa la xiray Arbacadii, waxaane lagu eedeeyay inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xabsiga caanka ah ee Mitiga ee u dhow Tripoli, ICC ayaa sidaas sheegtay. "Waxaa looga shakisan yahay in uu si toos ah u galay naftiisa, amaray ama uu kormeeray dambiyada ka dhanka ah bini'aadanimada iyo dambiyada dagaalka, oo ay ku jiraan Dil, Jirdil, Kufsi iyo Xadgudub Galmo" intii u dhaxeysay Febraayo 2015 iyo horraantii 2020, ayay Maxkamaddu ku tiri hadal ay soo saartay. Majaladda Der Spiegel ayaa markii ugu horreysay sheegtay in Heyshari, oo 46 jir ah, lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berlin, xilli uu doonayay inuu u duulo Tunis, iyadoo loo cuskaday amar Maxkamadda ICC oo la soo saaray 10-kii bishii July. Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha gobolka Brandenburg ayaa Wakaalada Wararka ee AFP u xaqiijiyay in qofka Liibiyaanka ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha subaxnimadii Arbacada. Osvaldo Zavala Giler oo ah diwaan hayaha Maxkamada ICC ayaa u mahad celiyay Germany wuxuuna sheegay in talaabooyinka iskaashiga noocan oo kale ah ay yihiin "tallaabooyin lama huraan u ah dacwooyinka si horay loogu socdo iyo in dhibanayaasha ay arkaan cadaalada la dhiibo". Liibiya oo qaniga ku ah Saliida ayaa weli la daalaa dhacaysa dhibaatadii ka dhalatay iskahorimaadyadii hubeysanaa iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay kacdoonkii NATO ay taageertay sanadkii 2011-kii ee lagu riday kaligii-taliyihii mudada dheer Mucamar AL-Qadaafi. Dalku wuxuu weli u kala qaybsan yahay dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhidda caasimadda Tripoli, oo uu hoggaamiyo Reysal Wasaare C/xamiid Dbeybah, iyo maamul iska soo horjeeda oo ka jira bariga, oo ay gacanta ku hayaan qoyska Haftar.
“TALYAANIGA OO SII DAAYEY DAD LOOGA SHAKIYEY DEMBIYO DAGAAL”:
Baarayaasha xuquuqul insaanka ayaa muddo dheer ka dhiidhinaayay Xadgudubyada ay la kulmaan kumanaan Maxaabiis ah, oo intooda badan ah Muhaajiriin aan caadi ahayn, oo ku jira xarumaha dadka lagu hayo iyo kuwa aan nadaafadda lahayn, oo ay ku jiro kan Mitiga. Horaantii sanadkan, dowladda Talyaaniga ayaa dood kulul ka dhalisay go’aanka ay ku sii daysay oo ay dalkeeda uga ceyrisay eedeysane kale oo loo haystay dambiyo dagaal oo Liibiyaan ah oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa Mitiga, Osama AL-Masri Najiim. Najiim, oo ah Madaxa Booliiska Garsoorka Liibiya, ayaa lagu xiray magaalada Turino 19-kii Janaayo, ka dib markii uu waaran ka qaatay Maxkamadda ICC, kaliya ayaa la sii daayay, waxaana loo duuliyay caasimadda Tripoli labo maalmood ka dib diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka Talyaaniga. Wasiirka cadaalada ee Talyaaniga Carlo Nordio ayaa difaacay siideyntiisa, wuxuuna sheegay in warqadii Maxkamada ICC ee lagu xiray uu ahaa mid si xun loo qoray. Madaxa dacwad oogaha Maxkamada ICC Karim Khan ayaa sheegay bishii Meey in Xukuumada Midnimada Qaran ee fadhigeedu yahay Tripoli ay aqbashay awooda Maxkamada si ay u baarto dambiyada dagaal ee lagu soo eedeeyay inkastoo aysan qeyb ka aheyn heshiiskii Rome Statute, oo ahaa heshiiskii aasaaska Maxkamada. Khan ayaa sidoo kale ugu baaqay dacwad oogaha guud ee Libya AL-Sedik AL-Sour inuu soo xiro Najim "oo uu u dhiibo ICC".
ISHA-LIBYA.