ISRA’IIL OO LAGU KALA CARARAY/
(SAWIRKA)-DIYAARADDA JARMALKA.
(GAZA)-Waxaa maalintii shanaad dhulka reer Falastiin ka socdo dagaal u dhexeeyo xoogaga Xamaas iyo ciidamadda Israa’iil,weli waxa ey labada dhiinac is dhaafsanayaan hubka culus waxaane Israa’iil gudaheeda ka bilawday in lagadaad gureeyo dadka ajaanibta ah iyo kuwa haysta dhalshada dalka Israa’iil una dhashay wadamo kale. Inta badan dad u dhashay Israa’iil ee la soo dejiyo dhulka reer Falastiin ayaa waxaa intooda badan laga keenaa wadamadda Latin America sida Argentina iyo Brazil waxaane arrintaan lagu ogaaday markii ey bilaabeen iney daad gureeyaan dadkooda ku go’odoonsan gudaha dhulka Israa’iil,hadaba waxa aan halkaan idin kula wadaagaa dal walba inta qofood uu ka saaray gudaha Israa’iil.
(1)-Argentina,waa dal ku yaalo Latin America waane dalka ey ku nool yhiin Israa’iil fara badan,Talaadadii shalay ayuuna bilaabay inuu dadkiisa kala soo baxo dalka Israa’iil,tirada dadka u dhashay Argentina ee haysta dhalashada Israa’iil ayaa gaarayo ilaa 1200-qofood,dadkaan ayaa lagu soo kala daad gureeyey diyaarad ey leeyihiin ciidamadda dalka Argentina taaso qaaday dad gaaraayo 1246-qofood waxaane dadkaan laga dejiyey caasimadda dalka talyaaniga ee Rome,sidaas waxaa sheegtay Wasiirka G/dhiga dalka Argentina Taiane,shirkada diyaaradaha Argentina ee Airline Aeroline ayaa lagu wadaa iney ayadana soo qaado dad kale.
(2)-Brazil,dalka Brazil ayaa qorsheynaayo inuu dalka Israa’iil ka soo qaado mawaadiniintiisa waxa uuna ugu talagalay lix duulimaad ugu yaraan,waxaane la soo daad gureyn doonaa dadka reer Brazil ee doonaayo iney isaga soo baxaan dhulka reer Falastiin ee la soo dejiyey. Dadka reer Brazil kuna sugan dhulka reer Falastiin ayey tiradoodu gaareysaa ilaa 6-kun qofood halka kuwa ku nool dhulka Israa’iil ey dhan yihiin 14-kun qofood,dadkaan qaarkood ayaa isaga baxay Israa’iil ayagoo raacay duulimaadyo ganacsi.
(3)-Nigeria,dalka Nayjeriya ayaa dalka Israa’iil waxa uu ka soo qaaday ilaa 300-qofood oo mawaadiniintiisa ah waxa eyna soo gaareen dalkooda hooyo Nayjeeriya. Dadkaan u dhashay Nayjeeriya ayaa isaga soo baxsaday dagaalka ka socdo Israa’iil waayo waxa ey ku sugnaayeen dhul uusan saameyn dagaalka waxaane u suuragashay iney soo gaaraan dalka Urdun oo deris la ah dalka Israa’iil. Dadka u dhashay dalka Nayjeeriya ayaa dalka Israa’iil waxa ey u joogeen fidinta Diinta Masiixiga,sidaas waxaa sheegtay Warbaahinta ey maamusho dawladda Nayjeeriya.
(4)-Switzerland,shirkada diyaaradaha Swiss International ayaa shalay oo Talaada ahayd waxa ey Israa’iil ka soo qaaday 220-qofood oo u dhashay dalka Switzerland. Waaxda arrimha dibadda Switzerland ayaa codsatay in la qorsheeyey duulimaadyo gaar ah oo soo qaadi kara ilaa 215-qofood maanta oo Arbaca ah,duulimaadka seddexaad ayaa la qorsheeyey inuu dhaco berri oo khamiis ah gelinkeeda dambe,duulimaadka ayaa ka soo bixi doono magaaladda caasimadda ah ee Tel Aviv waxa uuna soo qaadi doonaa 215-qofood,guud ahaan dadka u dhashay dalka Switzerland ee ku nool dalka Israa’iil una diiwaangashan Israa’iil kuna kala nool dhula reer Falastiin iyo dhulka isra’iil ayaa garaayo ilaa 28-kun qofood.
(5)-Spain,dalka Isbayn ayaa diyaariyey duulimaad ka soo baxaayo caasimadda Tel Aviv habeenimada caawa ah waqti dambe,duulimaadkaan ayaa waxaa soo raaci doono 200-qofood oo mawaadiniin reer Isbayn ah,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda Isbayn.
(6)-Germany,dalka Jarmalka ayaa sheegay iney la shaqeyn doonaa shirkada Lufthansa si ey u diyaariso duulimaadyo gaar ah maalmaha Khamiista iyo jimcaha si mawaadiniinta Jarmalka ah dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo. Ku dhawaad 4500-qofood oo mawaadiniin Jarmal ah ayaa laga diiwaangeliyey gudaha dalka Israa’iil kuwaaso hadda doonaayo in dib loogu celiyo dalkooda Jarmalka,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka.
(6)-Iceland,dawladda Iceland ayaa sheegtay iney diyaarad u dirayso dadkeeda ku sugan gudaha Israa’iil si dib loogu soo celiyo dalkooda,dadka u dhashay Iceland kuna suga Isra’iil ayaa garaayo ilaa 120-qofood.
(7)-Portuga,dalka Burtiqiiska ayaa qorsheeyey inuu dalkiisa dib ugu soo celiyo mawaadiniin gaareyso ilaa 152-qofood kua sugan gudaha dalka Isra’iil,waxaane dadkaan dib loogu soo celinayaan dalka Burtaqiiska maanta oo Arbaca ah.
(8)-France,Wasiiradda arrimaha dibadda ee Faransiiska Catarine Colona ayaa shalay oo Talaada ahayd sheegtay in Wsaaaradeeda qeybta qaabilsan Musiibooyinka ey diyaarisay duulimaadyo gaar ah ey sameyneyso diyaaradda Air France,duulimaadyada ayaa ka soo bixi doono caasimadda Tel Aviv berri oo khamiis ah,waxa eyna soo qaadi doonaan mawaadiniinta u dhalatay dalka Faransiiska ee awoodi kari waayey iney isaga baxaan Israa’iil.
(9)-Canada,dalka kanada ayaa sheegay inuu diyaariyey duulimaad gaar ah kana soo bixi doono Tel Aviv dabayaaqadda todobaadkan waxaane ka qeyb qaadan doono soo daabulidda mawaadiniinta Kanada ciidamadda Militeriga dalka Kanada.
(10)-S/Korea,dalka koonfurta Kuuriya ayaa sheegay inuu diyaariyey duulimaad uu ku soo daabulaayo mawaadiniintiisa kuwaaso gaaraayo ilaa 192-qofood waxaane laga soo qaadayaa Tel Aviv waxaane laga soo dejin doonaa garoonka diyaaradaha ee Inchean ee caalamiga ah kuna yaalo meel u dhaw caasimadda Seoul maanta oo Arbaca ah,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Kuuriyada Koonfureed. 30-qofood oo kale una dhashay dalka Kuuriyada koonfureed ayaa iyagana la soo qaadi doonaa dhammaadka todobaadka waxaane soo qaadi doonto diyaarad ganacsi, 27-qofood oo ah dad u dhashay Kuuriyada Koonfureed dalka Isra’iil-ne u joogay fidinta diinta masiixiga ayaa la gayn doonaa dalka Urdun ee deriska la ah Israa’iil.
ISHA/SB-MEDIA.