ISRAEL OO SHIXNAD ISGAARSIIN CASRI AH U SOO DIRTAY XAFIISKA UN EE MUQDISHO.

(SAWIRKA)-SHIXNAD.

(BEIRUT/LUBNAN)-Warbixin ay daabacday warbaahinta AL Mayadeen ee u janjeerta  dhinaca Ururka Xizbullah, Iran iyo xulafadooda  ayaa sheegtay in shixnad milatari oo Israa'iil leedahay ay soo gashay Soomaaliya iyadoo loo diiwaangeliyey inay u socoto xafiis ka tirsan Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warbixinta, shixnadda oo culeyskeedu ahaa ku dhowaad 1,000 kiiloogaraam ayaa ka ambabaxday Tel Aviv, waxayna sii martay Nairobi ka hor intii aysan gaarin Muqdisho 21-kii Juun. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in shixnadda loo diiwaangeliyey inay tahay agab loo waday xafiis Qaramada Midoobay, hase yeeshee ay ka koobnayd nidaam isgaarsiineed oo casri ah oo loogu talagalay ujeeddooyin ciidan iyo sirdoon. Warbixintu waxay intaas ku dartay in qalabkaasi ay soo saartay shirkadda Mer Security and Communications oo fadhigeedu yahay magaalada Or Yehuda ee Israa'iil, isla markaana ugu dambayn lagu wareejiyey xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho. Ilaa waqtiga warbixinta la daabacay, Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya midkoodna kama uusan soo saarin wax war rasmi ah oo ku saabsan sheegashooyinkan. Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay isa soo tarayaan hadallada la xiriira dhaqdhaqaaqyada Israa'iil ee Geeska Afrika. 25-kii Juun, hoggaamiyaha kooxda Ansarallah, cabdul-Malik AL-Xuuti, ayaa sheegay in kooxdiisu ay tallaabo ka qaadi doonto waxa uu ku tilmaamay isku dayga Israa'iil ee ah inay saldhig ka sameysato Soomaaliya. AL-Xuuti ayaa ku dooday in Israa'iil ay dooneyso inay ballaariso saameynteeda si ay u yeelato awood ay ku maamusho marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab oo ka mid ah meelaha ugu istaraatiijisan isu-socodka maraakiibta caalamka.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

TURKIGA IYO ISRAEL OO KU LOOLAMAYA DHULKA SOOMAALIYA.

Next
Next

DAWLADDA SOOMAALIYA OO ISBEDEL KU SAMEYNEYSA BAASABOORKA.