IMAARAATKA OO RUUSHKA U SOO GACANGELISAY ASKERI BAXSAD AH.
(SAWIRKA)-BAARAYAAL RUUSH AH.
(DUBAI/UAE)-Hay'adda amniga ee FSB ee Ruushka ayaa Axadda maanta ah sheegtay in nin Ruush ah oo looga shakisan yahay inuu toogasho ku dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka milatariga Ruushka Vladimir Alekseyev oo ku sugan Moscow lagu xiray Dubai. Warbaahinta Ruushka ayaa soo xigatay FSB oo sheegtay in ninka 60-jirka ah "la xiray oo loo gacan geliyay Ruushka " ka dib markii uu u baxsaday Imaaraadka Carabta , halka qof looga shakisan yahay inuu la shaqeynayay lagu xiray Moscow, mid kalena uu u baxsaday Ukraine. Dhowr sarkaal oo sare oo militari ah ayaa lagu dilay Ruushka iyo dhulka Ukraine oo ay maamusho Moscow tan iyo markii Ruushku uu bilaabay weerar milatari oo buuxa oo ka dhan ah deriskiisa bishii Febraayo 2022. Alekseyev, oo ahaa ku xigeenka madaxa sirdoonka militariga ee GRU ee Ruushka, ayaa lagu toogtay guri ku yaal Moscow Jimcihii, waxaana la dhigay isbitaal.
NIN RUUSH AH HAYSTA DHALASHADA YUKRAYN OO LAGA SOO TARXIILAY DUBAI UAE:
Waxaa saaran cunaqabateyn reer Galbeed ah oo ku saabsan doorkiisa lagu eedeeyay ee weerarrada internetka iyo abaabulka weerar neerfaha ah oo lagu qaaday sarkaalkii Ruushka ahaa ee ka soo goostay Sergei Skripal ee Britain sannadkii 2018. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku eedeeyay Ukraine inay ka dambeysay toogashada. Kyiv, oo sheegatay mas'uuliyadda dilka dhowr sarkaal oo sare oo ka tirsan militariga Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday, kama aysan hadlin kiiskan. Mas'uuliyiinta amniga Ruushka iyo baarayaasha ayaa Axadda maanta ah sheegay in muwaadin Ruush ah oo u dhashay Yukrayn laga soo tarxiilay Dubai loo soo gacan geliyay Moscow iyadoo looga shakisan yahay inuu si xun u dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka militariga ugu sarreeya Ruushka.
XIGASHO-FRANCE24.