HORJOOGE SARE OO LAGU DILAY G/SH.HOOSE.
(SAWIRKA)-ASKAR DUL TAAGAN MEYDADKA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-War Saxaafadeed ey maanta soo saartay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey kaga hadashay arrimo la xiriiro dagaalka looga soo horjeedo kooxda AL-shabaab ee hadda ka socdo qeybo ka mid ah dalka. Dawladda Federaalka ayaa sheegtay in hawlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyey eyna iska kaashadeen Ciidamadda Qaranka iyo Saaxibadda Caalamka uu ka dhacay degaanka Kuunyo-Baraw ee ka tirsan Gobolka Shabeeladda Hoose,weerarka ayaa waxaa lagu dilay Horjooge Maxamed Mire Jaamac magaciisa afgarashadana uu yahay Abu C/raxmaan,Horjoogahaan ayaa kooxda AL-shabaab u qaabilsnaaay Gobolka Sh/hoose. Horjoooge Abu C/raxmaan ayaa ka mid ahaa Horjoogayaasha ugu sareeyo kooxda ALshabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay isagoo Horjooge ka soo noqday qeybaha boobka iyo baada shacabka iyo qeybta maleeshiyaadka,waxaane lagu xusuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole ee si qasab ah ugu biirtay kooxda AL-shabaab sannadkii 2009-kii. Dawladda Soomaaliya iyo Saaxibadda Caalamka ayaa in muddo ah ku raad joogay Horjoogahaan iyo Horjoogayaal kale oo dhiigyo cab ah,kuwaaso dhaamtood la haayo macluumaadkooda oo dhammaystiran. Talaabadaan waxa ey qeyb ka tahay qorshaha DFS ee AL-shabaab looga ciribtiraayo degaanadda ey ku hareen,sidoo kalane looga dulqaadayo ciqaabta iyo dhibaatada ey ku hayaan bulsada Soomaaliyeed.
ISHA-SNTV.