DUQA CAASIMADDA MUQDISHO OO KULAN LA QAA…

(SAWIRKA)-SHIRKII XARUNTA DAWLADDA HOOSE EE XAMAR.

(MUQDISHO-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada,Aqoonyahada,Bahda Caafimaadka iyo Xirfadlayaal kale,kulanka ayaa ka dhacay Xarunta aqalka Dawladda Hoose ee Xamar. Md.Amiir,ayaa mid mid u dhegaystay Aqoonyahanadii kulanka ka qeybgalay iyagoo soo gdbiyey talooyin iyo aragtidooda la xiriirta Horumarinta caasimadda sida Maamul Wanaaga,Amniga,Nadaafadda,Caafimaadka,Waxbarashada,Dib u eegista furidda Wadooyinka xiran ee dhagaxda lagu gooyey,Ilaalinta dhulalka Danta Guud,Xal u helidda Maareynta Biyaha Roobka,Dhismaha Wadooyinka jajabay,Hirgelinta Nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka Musuq-Maasuqa. Gudoomiye Amiir ayaa sheegay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doono talooyinka uu caawa la kumay isla markaasne ey ka go’an tahay fulinta adeegyo waxtar u leh bulshada Gobolkan iyo magaaladan iney hesho Xuquuq siyaasi ah iyo hirgelinta Doorashooyinka Golayaasha degaanka ee G/Banaadir. Ugu dambeyn,Gudoomiye Amiir ayaa ka codsaday bulshada caasimadda iney la shaqeeyaan oo ey garab istaagaan sidii magaaladan ey ula tartami lahayd magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

ADEEGTO FILIBIN AH OO DISHAY ILMO KUWEYTI AH.

Next
Next

HORJOOGE SARE OO LAGU DILAY G/SH.HOOSE.