(MUUQAALKA)-XAAWO.
(SAVAGE/MNN)-BREAKING NEWS:-Laba carruur ah oo da'doodu kala tahay 3 iyo 5, ayaa ku dhintay rasaas subaxnimadii hore ee Arbacada, Noofambar 18, Savage, sida ay booliisku sheegeen. Saraakiisha iyo dab-damiska ayaa ka jawaabay wicitaan rasaas ah oo ka dhacay baloogga 4000 ee Wadada 126aad qiyaastii 6:27 subaxnimo. Hal cunug ayaa lagu dhawaaqay inuu ku dhintay goobta, halka kan kalena loo qaaday Xarunta Caafimaadka ee Hennepin County, halkaas oo cunuggu markii dambe ku dhintay. Booliska ayaa aqoonsaday hooyada carruurta, Xaawo Cabdikarin Ducaale, oo 33 jir ah, oo deggan Savage, inay tahay tuhmanaha. Waxay wacday 911 waxayna sheegtay inay carruurta toogatay. Saraakiishu waxay xabsiga dhigeen Xaawo. Waxaa loo gudbiyay xabsiga Scott County sababo la xiriira laba dacwadood oo dil heerka labaad ah. Booliisku waxay sheegeen inaysan jirin wax khatar ah oo soo food saartay dadweynaha, baaritaankuna uu weli socdo. Baaraha caafimaadka ayaa shaacin doona aqoonsiga carruurta iyo sababaha rasmiga ah ee dhimashada. Baloogga 4000 ee Wadada 126aad ayaa weli u xiran gaadiidka iyo dadka lugeynaya.
ISHA-TUSMO TIMES.