CIIDAMADDA AUSOOM AYAA SUGAYA AMNIGA GAROONKA UGAAS KHALIIF.

(MUUQAALKA)-CIIDAMADA AUSSOM EE HIIRAAN.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawisleyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gadaamay  garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kadib markii laga war helay diyaarad ciidamo ka soo qaadeysa magaalada Muqdisho oo ku soo wajahan Baladweyne. Sidoo kale ciidamadan ayaa gudaha u galay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyagoo gaadiidka dagaalka dhigtay qeybta ranweyga ee diyaaradaha ku ordan iyo qeybo kale oo ka mid ah garoonka. Ciidamada AUSSOM ee ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale ku sugan gudaha garoonka, waxana gordhow gudaha garoonka laga maqlay rasaas goos goos ah oo ay is weydarsanayeen ciidamada deegaanka iyo kuwa AUSSOM iyadoo markii dambe ay kala dhax galeen saraakiisha labada ciidan. Gudddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya garoonka aysan ka soo degi karin diyaarad shacab ama ciidan. “Waxaan joognaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, ciidamada Xassan Sheekh Maxamuud oo iskugu jira Haramacad, Gorgor iyo nabad sugidd ayaa la doonayay in xoog looga soo dajiyo garoonka, waan celinay ciidamadeenna ayaa joogga hadda, anaga waa nalal xaajoon karan basle nalama xoogi karo,  saacadan laga bilaabo hadii diyaarad shacab tahay ama diyaarad ciidan tahay midna kama soo degi karto garoonka." Ayuu yiri Muumin Maxamed Xalane. Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa kacsan maanta iyadoo si weyn isha loogu hayo ciidamadan dowladda federaalka ay dooneyso inay ka dejiso magaalada kuwaasoo la sheegay inay dalbadeen wafdiga uu hogaaminayo wasiirka batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo xalay goobta  uu degan yahay ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga ee soo wajiibay baaqii Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO QORSHEYNEYSA INEY XIRIIRKA U JARTO IMAARAATKA CARABTA.

Next
Next

HOOYO SAVAGE MINNESOTA KU DISHAY LABA CARUUR AH EY DHASHAY.