HOOYGA MUUNGAAB EE MUQDISHO OO LAGU HESHIISIIYEY MW.GUUDLAAWE IYO XIL.XAADOOLE.

(SAWIRKA)-HOOYGA MUUNGAAB.

(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle. Kulankan oo is-xogwaraysi ahaa ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, sugidda nabadgelyada iyo horumarinta hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo dib-u-heshiisiin bulsho oo waarta. Mas'uuliyiintu waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada hay’addaha dowladda, si loo hirgeliyo qorshayaal istiraatiiji ah oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo saldhig u noqda koboc dhaqaale, horumar bulsho iyo tayeyn adeeg oo la jaanqaadaya baahiyaha deegaanka, isla markaana xoojinaya nabadda, xasilloonida, kalsoonida dadweynaha iyo horumar waara oo loo dhan yahay. Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee DG H/shabeele Md.Hiraabe Maxamed Maxamud (Jiikaay) oo u hadlay Idaacadda Shabeelle ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in shan Tiknika ah uu iska leeyahay Xildhibaan Cismaan Xaadoole ey soo weerareen dad shacab ah oo dhulkooda iska cabiranaayo, halkaasne uu ka dhacay iska horimaad u dhexeeyo ilaalada Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Warsheekh Md.Jookaay iyo gawaaridii Xildhibaan Xaadoole, gudoomiyaha ma uusan sheegin wax khasaara ah oo kala gaaray labad balse waxa uu eedeyn culus ujeediyey Xidlhibaan Xaadoole kuna tilmaamay inuu rabo inuu dhaco dhulka shacabka.

ISHA-BANADIR TV.


Previous
Previous

MW-TRUMP OO SHAQADA KA ERYEY MADAXA WAAXDA CADAALADDA PAM BONDI.

Next
Next

390-XILDHIBAAN EE DEGMOOYINKA G/BANADIR OO MAANTA LA DHAARIYEY.