390-XILDHIBAAN EE DEGMOOYINKA G/BANADIR OO MAANTA LA DHAARIYEY.
(SAWIRKA)-XAFLAD DHAARIN.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu dhaariyay 390 xubnood oo noqonaya metelaadda rasmiga ah ee Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ku yimid rabitaanka shacabka ka dib doorashii qof iyo cod ee ka dhacday caasimadda 25-ka bishii Diseembar 2025. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud, ayaa dhaariyay xubnaha Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Wasiiro ka tirsan XFS, Madax ka socotay xisbiyada dalka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana si rasmi ah u dhaqan galay waajibaadka dastuuriga ah ee xubnaha la dhaariyay. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in dalka uu si cad ugu jiheystay hannaan doorasho ee ku saleysan mabda’a “Qof iyo Cod”, oo uu dalka ku hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ah tillaabo muujinaysa horumarka dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo ka-miro-dhalinta rabitaanka shacabka. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu ku faraxsan yahay in xubnaha la dhaariyay ay si toos ah ugu yimaaddeen codka iyo rabitaanka dadweynaha caasimadda, isla markaana guud ahaan la filayo in heerarka kala duwan ee mas’uuliyiinta ay ku yimaadaan codka shacabka, waxa uuna u rajeeyay mas’uuliyiinta golaha deegaanka in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, iyagoo ku dhaqmaya daacadnimo, hufnaan, isla xisaabtan iyo u adeegidda danta guud, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo dowladnimo ku dhisan kalsoonida shacabka.
ISHA-BTV.