HOGAANKA URURKA TAWFIIQ OO CODSI U DIRSADAY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.
(MUUQAALKA)-SHEEKH SHAAKIR.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Ururka siyaasadeedka Towfiiq ee uu hogaamiyo Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo go’aanka Guddiga Doorashada ee looga reebay liiska Ururrada Siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada ku celiska ah ee D.G Galmudug. Ururka Towfiiq ayaa bayaan uu soo saaray shalay oo isniin ahayd ku sheegay inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada, isagoo xusay in uu doonayo in doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka. Ururku wuxuu sheegay in uu ka walaacsan yahay tallaabada Guddiga Doorashada, isaga oo xusay in Towfiiq uu ahaa Ururkii Maxkamadda ka dalbaday in doorashada dib loogu laabto, ka dib markii uu sheegay in la hareer maray qaar ka mid ah habraacyadii iyo shuruucdii doorashada. "Waxaa layaab noqotay in ururkii dalbaday saxidda doorashada uu baraha bulshada ku arko ka reebiddiisa doorashada," ayuu Towfiiq ku yiri bayaankiisa. Ururku wuxuu sidoo kale sheegay in Guddiga Doorashadu hayaan liiska musharraxiintiisa u tartamaya labada gole, taas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada. Towfiiq ayaa Guddiga Doorashada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo loo fasiran karo eex ama takoor, ayna ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo iyo ku dhaqanka sharciga. Ururku wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in go'aanka looga reebay doorashada uu xiriir la leeyahay dacwaddii uu horey uga gudbiyay natiijadii doorashada, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn mabaadi'da caddaaladda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah. Ururka Towfiiq wuxuu sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu soo farageliyo arrinta, isagoo ka dalbaday in la xaqiijiyo u hoggaansanaanta sharciga iyo amarada maxkamadda. Ugu dambeyn, ururku wuxuu taageerayaashiisa iyo bulshada reer Galmudug ugu baaqay inay u diyaar garoobaan kulamo iyo bannaanbaxyo nabadeed, si ay uga muujiyaan mowqifkooda ku aaddan doorasho uu ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ah. Ururka Tawfiiq ayaa la sheegay inuu isaga is khalday kana horyimid wax uu shalay ogaaladay sida Gudiga Doorashada, Habraacyada iyo qaabka loo hawlgelaayo. Dacwadiisii uu ku guuleystay Ururka waxa ey maanta caqabad ku tahay isla Ururka Tawfiiq oo go’aanka hadda horyaalo Ururka Tawfiiq waa mid soo maray Maxkamadda Sare ee shalay u Xukuntay in Doorashada dib loogu noqdo.
ISHA-HOL.