GUDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY DOORASHADA GALMUDUG.

(MUUQAALKA)-GUDOOMIYAHA GUDIGA DOORASHADA G/MUDUG.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magacaabay Madaxa Xafiiska Guddiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha Guddiga ayaa, isagoo cuskanaya Qodobka 10-aad, farqaddiisa 9-aad, iyo Qodobka 14-aad ee Sharciga Dhisidda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, u magacaabay Mudane Cismaan Geelle Jaamac inuu noqdo Madaxa Xafiiska Guddiga ee Galmudug. Cismaan Geelle Jaamac ayaa lagu amray inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareego xilka iyo Xafiiska Guddiga ee Galmudug, isla markaana uu guddo waajibaadka loo igmaday si waafaqsan shuruucda, habraacyada iyo xeerarka doorashooyinka ee GMDQS. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ku xoojinayo xafiisyadiisa heer dowlad-goboleed iyo diyaar-garowga howlaha doorashooyinka ee dalka.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

HOGAANKA URURKA TAWFIIQ OO CODSI U DIRSADAY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.

Next
Next

$25-MILYAN OO LA QARIYEY IYO QODOB CUSUB OO KU SAABSAN KHIYAANADA MINNESOTA.