HAYADDA NISA OO KHAARIJISAY SARKAAL SARE OO ALSHABAAB AH.

(MUUQAALKA)-ASTAAN NISA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 23-kii bishan Oktoobar ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Horjooge Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo magaciisa afgarashu ahaa Cabdikariin Horseed/Gaagaale. Horjoogahan ayaa soo noqday Madaxa Guud ee Maaliyadda Khawaarijta, wuxuuna hadda ka mid ahaa xubnaha sida dhow ula shaqeeya hoggaanka sare ee kooxda. Horjooge Faysal Yuusuf ayaa Khawaarijta si qarsoodi ah ugu biiray sanadkii 2007, isaga oo xilligaas ka shaqeynayay dukaan ku yaalay Suuqa Bakaaraha, kaas oo gabbaad u ahaa dhaq-dhaqaaqiisa. Intii u dhexeysay 2007 ilaa 2011, waxa uu madax ka ahaa waxa ay ugu yeeraan Maktabka Maaliyadda ee gobolka Banaadir, isaga oo maamulayay lacagaha baadda ah ee laga qaado shacabka. Sanadihii 2011 ilaa 2014, waxa uu noqday Madaxa Guud ee Xisaabaadka Khawaarijta. Intii u dhexeysay sanadihii 2014 ilaa 2024, Horjooge Faysal Yuusuf waxa uu hayay xilka ugu sarreeya ee Maaliyadda Guud ee Khawaarijta, ka hor inta uusan xilka ku wareejin Horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isagana lagu dilay howlgal 23-kii Janaayo 2026, laga fuliyay isla deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dilka labadan horjooge ee xilka maaliyadda isaga dambeeyay ayaa dhabar-jab ku ah hoggaanka iyo shabakadaha dhaqaale ee Khawaarijta. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay sii wadi doontaa howlgallada lagu beegsanayo horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, laguna burburinayo shabakadaha ku howlan uruurinta lacagaha baadda ah ee lagu maalgeliyo dhagarta ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

GANACSADE SOOMAALI AH CAANE KA AH BIRMINGHAM/UK OO MINDI LAGU DILAY.

Next
Next

GOLAHA MUSTAQBALKA OO GO’AAN KA GAARI WAAYEY CASUMADI MW-XASAN SHEEKH.