GOLAHA MUSTAQBALKA OO GO’AAN KA GAARI WAAYEY CASUMADI MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka laga helaayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Galabta oo Arbaca ah kuna beegan 28/10/2026-ka ey shir deg deg ah isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu qabtay Huteelka Jazeera ee magaaladda Muqdisho. Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii jawaab looga bixin lahaa Gogoshii uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ee ku saabsaneed in shir ey isugu yimaadiin dhammaan daneyaasha Doorashada Soomaaliya ee sannadka 2027-ka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ey ku mideysan yihiin xubno ka tirsanaay Madashii Samatabixin Soomaaliyeed ee uu hogaaminaayey Sheekh Shariif iyo Hogaamiyeyaasha DG Jubaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Deni ayaa la sheegayaa iney shirkoodii galabta ka dhacay Muqdisho eyna ka maqnaayeen Deni iyo Madoobe iney isku raaceen qodobadaan soo socdo:

(1)-Iney ka jawaabaan Warqadii beesha Caalamka uga timid taariikhdu markeey ahayd 17/10/2026-ka,taasoo looga dalbanaayey Golaha iney ka soo qeybgalaan shir wda hadal ah oo la mudeeyey 4-ta bisha soo socoto ee Nofembar-2026-ka.

(2)-In Golaha dhexdiisa ey ku soo Qanciyaan Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland Deni iyo Madoobe iney ka soo qeybgalaan shirkaan muhiimka u ah Doorashadda dalka ee soo socoto. Arrintaan ayaa waxaa loo xilsaaray xubin ka mid Golaha Mustaqbalka Soomaaliya balse aan la sheegin magaciisa.

(3)-Iney dhexdooda isku raacaan iney sameystaan Gudi shaqo oo rasmi ah, kaasoo masuul ka ah diyaarinta Ajendayaasha iyo Shaqada Golaha iyaga oo aan sugin kulanka weyne ee dhici doono. Dhinaca kale, Golaha ayaa isku raacay in jawaab cad laga bixiyo casuumadii uu fidiyey Madaxaweyne Xasan Sheekh ka dib marka la helo talada iyo mawqifka ey taagan yihiin Hogaamiyeyaasha Jubalan iyo Puntland Madoobe iyo Deni. Afhayeenka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya KOOFI, oo shalay la hadlay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in Golaha eysan soo gaarin wax casuumad ah oo kaga timid dhinaca Madaxtooyadda, sidaas darteedna uusan waxba ka dhihi karin arrinta casuumadda. Xidhibaan C/laahi Carab xubina ka ah Golaha ayaa warbaahin Muqdisho maanta u sheegay in Sambalooshe uusan ka mid ahayn Golaha Mustaqbalka Soomaaliya,hadalka uu ku hadlayne uu yahay mid isaga ku kooban eysana jirin cid Golaha ka tirsan oo la wadaagto.

SUUQBACAAD MEDIA.

Next
Next

CIIDAMADDA DFS OO KAABIGA KU HAAYO DEG/B/HAKABA.