HAYADDA NISA OO BURBURISYA SHABAKAD ALSHABAAB AH.

(MUUQAALKA)-11-KA DHAGAR QABE EE LA QABTAY.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa burburiyay shabakado ka tirsan Khawaarijta AL-Shabaab, kuwaasoo cadawgu u diyaariyay iney ku dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana gacanta lagu dhigay 11 dhagar-qabe oo ka tirsanaa shabakado kala duwan, kuwaasoo loo diyaarinayay in ay fuliyaan falal ka dhan ah amniga. Shabakadahaan ayaa la soo afjaray ka dib howlgallo qorsheysan oo ey Ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmooyinka kala ah “Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye”. Inta ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay dhagar-qabayaashu doonayeen iney u adeegsadaan fulinta dhagarta ay qorsheynayeen. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA ay uga hortagayso qorshayaasha ay ku doonayaan inay ku waxyeelleeyaan amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DEG DEG: DENI IYO AXMED MADOOBE OO LOOGA YEERAY DALKA IMAARAATKA CARABTA.

Next
Next

DANJIRAHA CUSUB EE MARAYKANKA OO LA OGAADAY INUU HORAY U YIMID SOOMAALIYA.