HAWLGALKA AUSSOM OO BEENIYEY WARAR EY BAAHISAY WARBAAHINTA.

9SAWIRKA)-ELHADJI IBRAHIMA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hawlgalka Midawga Afrika ee Taageeradda iyo Xasallinta ee Soomaaliya loona yaqaano”AUSSOM” ayaa si adag u beeniyey warar ey warbaahinta qortay oo sheegaayo in askartooda lagu dilay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose,kaaso dhaca Koonfurta Galbeed ee caasimadda Muqdisho. AUSSOM oo ka jawaabeysa sheegashada ALshabaab ee ku saabsan burburinta Gaadiidka Gaashaaman ee AU-da leedahay iyo dib u gurashada ciidamada AUSSOM ka dib dagaal culus, AUSSOM waxay dooneysaa iney cadeyso in ciidamadeeda oo kaashanaayo kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed(SNA) ey bilaabeen weerar culus oo ey dib ugula wareegeen degaanka Bariir taariikhdu markeey ahayd 1-da bishaan Agoosto-2-25-ka. AUSSOM ayaa sheegatay in weerarku ahaa mid qorsheydsan kooxda ALshabaabne looga dilay maleeshiyaad gaaraayo ilaa 50-maleeshiyo,waxaane lagu dhaawacay tiro intaas ka bad. “Ciidanka AUSSOM iyo kuwa Xooga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an iney dib u xureeyaan degaanadda ey gacanta ku hayaan kooxdsa ALshabaab si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amniga shacabka Soomaaliyee”ayuu yiri Danjire ElHadji Ibrahima Diene oo ah ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

ISHA-AUSSOM.

Next
Next

JARMALKA OO KU DHEGAN FIISAHA QOYS AFGAANISTAAN AH,SABABTA?