68-TAHRIIBAYAAL OO KU DHINTAY XEEBAHA DALKA YAMAN.

(SAWIRKA)-QAAR KA MID AH MEYDADKA TAHRIIBAYAASHA.

(YEMEN)-Tobaneeyo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Xeebaha dalka Yemen, ka dib markii Dooni ay la socdeen ey kula degay Gacanka Xeebaha Gobolka Abyan, xilli cimiladu ey xumeed. Ugu yaraan 68 qof ayaa ku dhintay, in badan oo kalena waa la la’yahay ka dib markii ay doonida degtay gelinkii dambe ee Axadda, iyadoo ay saarnaayeen 157 qof oo u badan dad u dhashay dalka Itoobiya oo maraayey koonfurta gobolka Abyan, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Madaxa IOM ee Yemen, Abdusattor Esoev, ayaa sheegay in hawlgal ballaaran oo baadigoob iyo samatabixin ah oo ay sameeyeen maamulka gobolka ay ka soo saareen badda 12 qof oo ka badbaaday doonta degtay. Saraakiisha Abyan ayaa sheegay in meydad aad u badan ay ku soo caariyeen xeebaha gobolkaasi. Waxay sheegeen in doonta degtay ey si xad dhaaf ah u rarneed. "Meydadka dadka dhintay iyo ugu yaraan toban qof oo badbaaday, oo ay ku jiraan laba mukhalasiin Yemeniyiin ah, ayaa loo qaaday isbitaallada Abyan," Abdul Kader Bajamel, oo ah sarkaal caafimaad oo ku sugan magaalada Zinjubaar ee Gobolka Abyan, ayaa u sheegay The New York Times. “Maadaama qolalka meydadka la dhigo ee isbitaalka ay qaadi waayeen meydadkan tirada badan, si looga fogaado dhibaato soo gaarta deegaanka, ayuu Guddoomiyaha Abyan wuxuu amray in si deg deg ah loo aaso dadka dhintay, wuxuuna sameeyay guddi gurmad ah oo baadigoobka dadka maqan”. Mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee degmada Khanfar ayaa sheegay in meydka hal qof oo tahriibayaal ah la keenay isbitaalka halkaasi ku yaalla, waxaana dhaqaatiirta ay daweeyeen 11 qof oo badbaaday, kuwaasi oo dhamaantood laga saaray Isbitaalka. Isagoo ku baaqaya in badbaado dheeraad ah loo sameeyo muhaajiriinta iyo waddooyin sharci oo ammaan ah si looga hortago iney ku dhacaan gacanta kooxaha dadka wax tahriibiya, Esoev waxa uu sheegay in doonida degtay ay safar halis ah ku maraysay biyaha sida caadiga ah ay isticmaalaan mukhalasiinta. "Waxa aan u ololayneyno dhammaan dowladaha xubnaha ka ah waa in ay wanaajiyaan wadooyinkooda caadiga ah si dadku ay u maraan dariiqooyin sharci ah si ay u tahriibin, halkii ay ku xirnaan lahaayeen ama ay khiyaanayn lahaayeen mukhalasiin iyo safarradaas khatarta ah," ayuu yiri. Hayadda IOM waxa ay sheegtay in waxa loogu yeero Jidka Bari ee Tahriibayaasha ka soo rara dalalka Geeska Afrika, oo ay ku jiraan Itoobiya, Eritera iyo Soomaaliya, una sii gudbaan dalalka Khaliijka, oo Yemen ay marin u tahay, ay ka mid tahay “wadooyinka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan ee socdaalka adduunka”, iyadoo 60,000 ay socdaalkaas galeen sannadkii hore. Marka ay tahriibayaashu gaaraan dalka Yemen, waxay isku dayaan inay u sii gudbaan Sucuudiga si ay shaqo uga helaan oo ay hoos ugu galaan dhaqaale buuran oo weyn oo ka jira waddamada Khaliijka ee qaniga ku ah saliidda. In ka badan 180 tahriibayaal ah ayaa la dilay bishii Maarsoka dib markii laba doon ay ku degeen badda cas meel u dhow magaalo xeebeedka Dabab ee galbeedka Yemen. Dadka kaliya ee badbaaday waxay ahaayeen laba xubnood oo ka mid ahaa shaqaalihii doonta. Hayadda IOM waxay sheegtay inay diiwaan gelisay dhimashada ama la’aanta in ka badan 3,400 oo muhaajiriin ah oo ku hawlanaa Jidka Bari tan iyo 2014-kii, kuwaasoo 1,400 ka mid ah ay qarqmeen. Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda colaado gudaha ah oo tobaneeyo sano ah ka socday dalkaas, waxaana dalkaas uu u kala qaybiyay kooxo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, kuwaasoo la wareegay awoodda xukuumadda caalamku aqoonsan yahay, taasoo iyaduna weli gacan ka siisa isbahaysiga milateri ee Sucuudigu hoggaaminayo, Mareykankana taageero oo isku dayaya inay xukunka ku soo celiyaan. Dagaallada ayaa dhaliyay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka , iyadoo ku dhawaad 20 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto, caafimaad iyo gargaar kale, in ka badan kala bar waa carruur, iyo in ka badan 4.5 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka, sida ay sheegtay UNICEF.

ISHA-UPI.

 

Previous
Previous

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO LA DAGAALANKA MAALGELINTA ARAGAGIXISADA.

Next
Next

HAWLGALKA AUSSOM OO BEENIYEY WARAR EY BAAHISAY WARBAAHINTA.